Iyada oo maraysa nidaam bixin adeeg oo gaar ah, Bienestar waxaa u suurto gashay inay siiso adeegyada iyo khayraadka shakhsiyaadka iyo qoysaska ku nool Degmada Multnomah.

Bienestar ServicesSuuq Bilaash ah

Bienestar oo ay is kaashanayaan Kaydka Cuntada Oregon (OFB) waxay u samaysaa si todobaadle ah Suuq bilaash ah Arbacada kowaad iyo 3aad ee bisha. OFB waxay siisaa khudaaro kala duwan oo daray ah xubnaha bulshada. Suuqu waa bilaash. Hadii aad garanayso qof u baahan cunto - fadlan ha booqdaan Bienestar Mercado oo ku yaal baarkinka Ortiz Community Center - 6736 NE Killingsworth St. Portland OR 97218.

SNAP

Shaqaalaha luuqadaha badan ku hadla ee Wacyi Gelinta SNAP ee Degmada Multnomah ayaa bixiya kaalmada arjiga SNAP wakhtiyo dabacsan. La hadal ama fariin qoraal ah ugu dir Emily 503-320-6658, iimeel noogu soo dir snap@multco.us, ama booqo websaytkeena /snap si aad u qabsato balan iyo wixii macluumaad dheeraad ah.

Bienestar Outreach TeamKaalmada Kirada

Barnaamijka Kaalmada Kirada Xaalada Degdega ah ee COVID-19 (ERAP) waxa uu bixiyaa kaalmo kiro si loo baajiyo in guriga laga raro qoysaska iyo guri la'aanta ay keenayso dhaqaale xumada iyo saamaynta caafimaad ee COVID-19. Mudnaantu waxaa weeye in loo adeego bulshooyinka la kulma saamaynta ugu wayn ee taban ee COVID-19, oo waxaa kamid ah dadka Madaw, Dhaladka, iyo Dadka Aan Caddaanka Ahayn ee Kale (BIPOC) iyo qoysaska dakhligoodu hooseeyo. 

Kaalmada Laydhka/Biyaha iwm.

Hadii adiga ama qof aad garanayso ay u baahan yihiin kaalmo bixinta kharashaadka laydhka/biyaha iwm. - fadlan nagala soo xidhiidh. Waxa aanu kugu xidhi karnaa adeegyo kaa caawinaya biilka PGE, PPL, Gaasta Dabiiciga ah ee NW ama saliida.

Fernando Sanjines, Bienestar Mental Health ConsultantCaafimaadka Maskaxda

Bienestar de la Familia waxay bixisaa adeeg dhaqan ahaan iyo luuqad ahaan ku haboon oo dhamaystiran oo adeegyada caafimaadka maskaxda ah. Adeegyada waxaa kamid ah kahortagga iyo wax-ka-qabadka hore, kooxaha dumarka, wax-ka-qabadka mushkilada iyo waxbarashada aagaga isku buuqa, warwarka iyo jugta kadib. Bienestar sidoo kale waxay bixisaa waxbarasho cilmi nafsi oo todobaadle ah oo kooxaha ah oo waxaa kamid ah xirfadaha si wanaagsan u fikirka, ogaanshaha naftadaada, iyo sida qofku isku arko.

Kahortagga Balwadaha

Adeegyada balwadaha Bienestar waxaa loogu talo geley inay bixiyaan adeegyo kahortag iyo daawayn luuqado badan ah, dhaqan ahaan ku haboon oo la siinayo dadka balwada u leh khamrida iyo mukhaadaraadka. Adeegyada la talintu waa bilaash. Waxa heshiis kula jirnaa bixiyayaal adeeg oo bulshada ku salaysan oo kala duwan oo ku sugan Degmada Multnomah oo dhan. Adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan ee hay'adahan sii mariyaan waxaa kamid ah daawaynta bukaan socodka, daawaynta kaalmada daawada, maamulida joojinta balwada (detoxification), ku daawaynta meesha la degan yahay, adeegyada uurka, iyo miyir qabka deegaanka lagu nool yahay/meesha la degan yahay ee lagaga soo kabto.

Covid MaskAdeegyada Daboolidda COVID-19 

Barnaamijka Daboolidda Covid-19 waxa uu taageeraa dadka galaya go'doominta/karantiinka oo waxaa weeye iskaashi ka dhaxeeya Waaxda Caafimaadka Degmada iyo Bienestar de la Familia. Waxa uu bixiyaa Kaalmo cunto, kiro/daynta guriga iyo adeegyada/kharashaadka.