Xiriirada: Tim Scott ama Eric Sample, 503-988-VOTE (8683)
U diyaar garoow Doorashada guud oo ku beegan Nufeembar 8.
Maalinta Doorashooyinka waxaa ka dhiman wax ka yar laba bilood ayadoo Ku beegan Noofember 8, 2022. Doorashooyinka Guud ee Nufeembar 8 waxaa ku jira doorashooyinka Aqalka Sare ee Maraykanka, Wakiillada Aqalka Hoose, Gudoomiyaha Gobalka, baarlamaanka gobalka iyo xilal kale. Codeeyayaashu waxay sidoo kale go'aansan doonaan talaabooyinka codaynta gobolka iyo deegaanka.
Waraaqaha codaynta waxaa boosta loogu diri doonaa dhamaan codeeyayasha Degmada Multnomah ka diiwaan gashan laga bilaabo Arbacada, Oktoobar 19. Waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo inaad isku duwaan geliso codaynta oo waxa aad cusboonaysiisaa is duwaan gelintaada si markaa aad sida ugu dhakhsaha badan aad ugu heli karto warqadaada codaynta.
Codeeye ahaan, waxa aad isku diyaarin kartaa Noofermber 8 Doorashooyinka Guud adiga oo qorshayn doona inaad codayso oo bulshada balaadhana waxa aad ka caawin kartaa adiga oo u dabaal dagayal Maalinta Isduwaan Gelinta Codaynta Qaran ee Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Sebteember 20.
U Dabaal Deg Maalinta Isduwaan Gelinta Codeeyayaasha Qoran ee Talaadada, Sebteember 20.
Iminka waxa aad u diyaar tahay inaad codayso, inaad ka caawiso bulshadaada inay u dabaal dagaan codaynta Maalinta Isduwaan Gelinta Codaynta Qaran ee Talaatada, Sebteember 20. Waxaa markii kowaad loo dabaal degay 2012, Maalinta Doorashooyinka Codeeyayaasha Qaran waxa ay noqotay munaasabad aanu xisbi lahayn oo kumanaan hay'adood iyo dadka wakhtigooda ku deeqay ay isku soo qaban qaabiyaan si loo xaqiijiyo in asxaanteen, qoyskeena iyo jaarkeena Qorshaysataan inay CODEEYAAN! Talaabada kowaad ee qorshuhu waa is duwaan gelinta codaynta!
Ka Qayb Gal!
- Waxa aad xaqiijisa in qoyskaaga, asxaabtaa iyo jaarkaagu Qorshaystaan inay CODEEYAAN! oo ay isku diwaan geliyaan codaynta cinwaankooda wakhtigan.
- Gel Qorshayso Inaad CODAYSO! Bushqada Isduwaan Gelinta Codeeyaha ee Maqal iyo Muuqaalka ah oo ay ku jiraan shuruucda qaban qaabada isduwaan gelinta codeeyaha ee kaydka, kaadhka daabacan ee isduwaan gelinta codeeyaha, calaamado, iyo waraaqo.
- Waxa aad ku xidhantaa hay'adaha deegaanka, dawlada, ama bulshada si aad uga qayb gasho munaasabada Maalinta Isduwaan Gelinta Codeeyayaasha Qaran. Munaasabadaha waxaa lasoo gelin doonaa baraha bulshada marka aynu u dhawaano taariikhda (Facebook, Instagram, iyo Twitter)
Samayso qorshe si aad u codayso Doorashooyinka bishaaan Nufeembar!
Kahor inta aan la gaadhay wakhtiga ay ku eeg tahay Maalinta Doorashooyinka ee Noofemver 8, Doorashooyinka Degmada Multnomah waxa ay ka dalbanaysaa codeeyayaasha Inay Qorshaystaan CODAYNTA! Liiska diiradda la saaray ee codeeyayaasha waxay marayaan shan laabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:
- Isdiiwaan geli si aad ugu CODEYSO una DOORATO Xisbi hadii aad doonayso.
- Qaado warqadaada codbixinta.
- KURID warqadaada codaynta.
- Soo celi warqadaada codaynta.
- Doorashooyinka dawladaha hoose waa muhiim. Hubi codkaaga in la tiriyay!
Marka kowaad - Is Diiwaan geli si aad u CODAYSO. Waxa Ay Ku Eeg Tahay Isduwaan Gelinta Codaynta Oktoobar 18, 2022.
Isduwaan gelinta codaynta ee doorashadan waxay ku eeg tahay Talaatada, Oktoobar 18. Iska diiwaan geli inaad ku codaynso online ahaan oregonvotes.gov. Waxa aad xaqiijisaa inaad cusboonaysiiso isdiiwaan gelintaada wakhti kasta oo aad guurto, badasho magaca, ama aad doonayso inaad badasho xisbiga aad taageereyso. Waxaa la joogaa xiligii aad hubin lahayd in diiwaankaaga codbixiyaha uu ku qoran yahay ciwaankaaga saxda ah ee guriga iyo boostada. Markaa, iska diiwaan geli Lasoco Warqadaada Codaynta marka aad eegto isdiiwaan gelintaada.
Warqadaada codaynta hel.
Waxa laguugu soo diri doonaa boosta warqadaada codaynta laga bilaabo Oktoobar 19. Hadii aanad helin warqadaada codaynta Oktoober 27, qaad talaabo adiga oo kala hadlaya Doorashooyinka Degmada Multnomah 503-988-VOTE (8683) si aad u badalato warqadaada codaynta. Haddii aad ka maqnaan doontid degmada xiliga doorashadan waad isdiiwaan gelin kartaa si aad u hesho warqadda codbixinta maqnaanshaha, oo la heli karo laga bilaabo Sibteembar 26, 2022.
KU CODEE warqadaada codaynta.
Xasuuso inaad saxeexdo bushqada warqada codaynta lagu soo celinayo. Saxeexaagu ayaa ah aqoonsigaaga. Saxeex kasta oo warqad kasta waa la eegi doonaa si loo xaqiijiyo inuu lamid yahay saxeexa ku yaala diiwaan gelinta codbixiyaha. Hadii aad ilawdo inaad saxeexdo ama saxeexaagu ay is yeelan waayaan waxa aanu kuu soo diri doonaa warqad oo waxa aanu kugula soo xidhiidhi doonaa Lasoco Warqadaada Codaynta si aad talaabo u qaadi karto oo codkaaga loo tiriyo.
Miyaad qabta wax su'aalo ah ama baahi in lagaa caawiyo ah codaynta? Waxa aanu haynaa kaalmo codaynta ah oo kaa caawinaysa hadii aad qabto laxaad la'aan ama aad u baahan tahay luuqad kale oo aan Ingiriisi ahayn. Nagasoo wac: 503-988-8683.
Soo celi warqadaada cod-bixinta.
Waxaad haysataa laba dookh oo kale ah soo celinta warqadaada codaynta. Hore u codee oo soo celi warqadaada codaynta. Shaambad looma baahna! Waraaqaha codaynta ee ay ku qoran tahay wixii ka horeeya ama Maalinta Doorashada, Nufeembar 8, 2022.
Waxa aad sidoo kale keeni kartaa oo aad ku ridi kartaa Goobta Rasmiga ah ee Codbixinta. Waxaad keentaa warqadaada codaynta Sanduuqyada Goobaha Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee 24 saacadood ama Sanduuqa Laybareeriga Degmada Multnomah ee 24 saacadood ah. Dhamaan Goobaha Rasmiga ah ee Codbixinta Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin barta multco.us/dropsites. Waraaqaha codaynta waxaa lagu soo celinayaa Goobaha Rasmiga ah ee La Keeno waana in la helaa ugu danbayn 8 habeenimo, Habeenka doorashada, Nufeembar 8, 2022.
Iska Diiwaan Geli aalada Lasoco Warqadaada Codaynta.
Ma doonaysaa inaad ogaato wakhtiga warqada codaynta boosta lagu soo diro? Iska diiwaan geli Lasoco Warqadaada Codaynta oo waxa aad heshaa warqad "Waan Codeeyay ah" oo muuqaal ah. Fariin qoraal ah, iimeel ama cod wargelin ah ayaa kuu sheegi doona marka xafiiska degmada Doorashooyinka uu boosta kuugu soo diro warqada codaynta, oo marka aad soo celiso inay nasoo gaadhay. Wargelinta ayaa sidoo kale muujinaysa hadii warqada codaynta la aqbalay ama hadii ay u baahan tahay in talaabo dheeraad ah laga qaado. Gudaha fariinta "Codaynta La Aqbalay", codeeyayaashu waxay ka heli doonaan warqada dhajista ah ee "Waan Codeeyay" ee Oregon ee gaar ah oo ay soo dhigi karaan baraha bulshada. Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan inay booqdaan multnomah.ballottrax.net.
Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashooyinka Noofember 8
- Maalinta Isduwaan Gelinta Codeeyayaasha Qoran - Sebteember 20, 2022
- Waraaqaha Codaynta waxaa loo wada dirayaa dhamaad waraaqaha deegaanka haysta - Oktoobar 12-14, 2022
- Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham Waxaa La Furayaa – Oktoobar 17, 2022
- Waxa Ay Ku Eeg Tahay Isduwaan Gelinta Codaynta - Oktoobar 18, 2022.
- Waraaqaha waxaa la bilaabi doonaa in boosta loogu diro codeeyayaasha - Oktoobar 19, 2022
- Dhamaan codeeyayaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta. – Oktoobar 27, 2022
- Maalinta Doorashooyinka - Waraaqaha codaynta waxa ugu danbaysa 8:00 PM - Nofeembar 8, 2022
- Natiijada doorashada rasmiga ah ee kama danbaysta ah waxaa la shaacinayaa - Diseembar 5, 2022
Xafiiska Guud:
Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah
1040 SE Morrison Street, Portland OR 97214
Goobta Gresham:
Waxay soconaysaa Oktoobar 17 – Nufeembar 8, 2022
Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 NE 8th Street, Gresham OR 97030
Taleefan: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Webseedka: MultnomahVotes.gov
COD yeelo oo horseed u noqo isbadel!
.