FIKIRKAAGA WAA LOO BAAHAN YAHAY - Fadlan qaado dhowr daqiiqo si aad uga jawaabto su’aalaha qaar ku saabsan masiibooyinka dabiiciga ah (dhul gariirka, daadadka, cimilada aadka udaran, iwm.) ee xaggeena: (LIFAAQ KU GAYNAYA SAHANKA)

Degmada Multnomah waxa ay dib ucusboonaysiin ku wadaa Qorshaheeda Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka Dabiiciga ah. Faallooyinkaaga iyo jawaabahaaga aad kaga ragaal celinayso dhowr su’aalood waxa ay naga caawin doonaan horumarinta qorshaha. Marka qorshaha qabyada ah la dhammaystiro bilawga 2022, waxaa lagu soo wadaagi doonaa halkan si loo helo wixii faalooyin ah.  

Maxaa uu yahay Qorshaha Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka Dabiiciga ah maxaana loo cusboonaysiinayaa?

Cover of 2017 Natural Hazards Mitigation PlanShantii sanno ee kasta, Degmada Multnomah waxa ay uga baahan tahay Hay’ada Maaraynta Xaaladaha Degdegga ah ee Federaalka (FEMA) inay cusboonaysiiso Qorshaha Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka Dabiiciga ah (NHMP). Qorshuhu waxa uu isticmaalaa xogta ugu fiican ee la heli karo taasoo ku saabsan masiibooyinka dabiiciga ah si ay u sameeyaan tallaabooyin lagu ilaalinayo nolosha, hantida iyo deegaanka marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah mustaqbalka. Qorshahan hadda waxaa la dhammaystiray 2017kii, waxaana la cusboonaysiin doonaa Noofambar 2022. Waxa aanu jeclaan lahayn inaanu helo fikirada ugu badan ee ugu macquulsan, si aanu uxaqiijino in qorshuhu muujinayo ujeedooyinka iyo baahiyaha bulshada kala duwan ee aanu u adeegno. Cusboonaysiinta qorshaha waxaa ka mid ah Magaalooyinka Gresham, Troutdale, and Wood Village, Multnomah County, iyo markii ugu horraysay, Dekedda Portland iyo Biyo Mareenada Degmooyinka Degmada Multnomah. Magaalada Porland waxa ay leedahay NHMP ugaar ah, kanoo isaguna ku jira hannaankii lagu cusboonaysiinayay.

Maxaa ay tahay Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka?

Yaranta Saamaynaha Masiibooyinka waa hawsha la qabto ka hor inta aanay dhicin masiibo, si loo yareeyo darnaanshiyaha saamaynteeda mustaqbalka marka ay masiibo dabiici ahi dhacdo loogana dhigo bulshada mid adkaysi u leh.

Mashaariicda yaraynta saamaynaha masiibooyinka ee guusha lihi waxa ay ilaaliyaan nafaha iyo hantiyada waxayna sidoo kale badbaadiyaan lacagta bulshada mustaqbalka fog. Waxaa ay ku qiyaastay FEMA in halkii doolar ee kasta ee lagu bixiyo yaraynta saamaynaha masiibooyinka, illaa lix doolar ayaa ay keydisaa marka masiibooyinku dhacaan. 

Maxaa ay yihiin Masiibooyinka uu Daboolayo Qorshahani?

Qorshahani wuxuu kaliya daboolaa masiibooyinka dabiiciga ah; masiibooyinka ay sababaan dadku sida argagaxisada iyo walxaha kale ee masiibada sababa waxaa lagu daboolaa qorshayaal kale. Gobolka Oregon waxa uu taxayaa masiibooyinka dabiiciga ah kaasoo saameeya dhammaan Oregon. Bulshada Degmaha Multnomah waxa ay qorshe usamaysataa dhammaan kuwaa marka laga reebo nabaad guurka xeebaha iyo sunaamida, taasoo guud ahaan kaliya waxyeelaysa bulshooyinka xeebta daggan.

Degmada Multnomah waxaa ay isu diyaarisaa masiibooyinka hoos ku taxan qorshaheeda. Ku dhawaad dhammaantood waxaa saamaysa isbeddelka cimilada, sidaasi awgeed waa mid hadda aad u mihiim ah in laysu diyaariyo, waayo xogtan hadda waxa ay yarayn kartaa khattarta aynu waajihi karno.

Types of earthquakes in the Pacific Northwest
Sahanka Juquraafiga ah ee Maraykanka
DHULGARIIRYADU waa kuwo dhif iyo naadir ku ah Oregon, laakiin waa khattar aad u laxaad leh. Dhulgariirkii xagga hoose ahaa ee ugu dambeeyay ee saameeyay Oregon waxaa uu dhacay 1700 dhulgariiryada noocana waxaa la qiyaasaa inay dhacaan 300-600 ee sanno mar ama wax udhow. Dhulgariiryada xagga hoose ah ee baaxadeedu tahay 9.1 waxa uu saameeyay Japan 2011kii iyo Indonesia 2004tii. Tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynaha dhulgariirka ee caadi ahaan la sameeyo waxaa ka mid ah:

  • In la kordhiyo wacyigelinta dadweynaha laga wacyi galinaya khattarihiisa iyo waxa ay tahay inaad samayso haddii uu dhaco dhulgariir.
  • In laga caawiyo dadka deegaanka ah inay ku urursadaan agabka guryahooda si ay u isticmaalaan ka dib dhulgariirka aadka udaran.
  • In la taageero xoojinta biriijyada, qarka webiga, dhsimayaasha dhagaxa ah, iyo dhismayaasha kale.

Damage from 1964 Christmas Flood
Daadkii Kirismaska ee 1964 (Sawir: Levee Ready Columbia)
DAADADKU waxa ay ka dhacaan sannad kasta Oregon, iyagoo ugu yaraan saameeya waddooyinka maxalliga ah iyo dariska. Inkastoo daadadka meel kasta gaadhayaa ay yaryihiin, daadad waaweyni waxa ay saameeyeen Degmada Multnomah 1956kii, 1964kii iyo 1996, iyo dumista uu dumay qar wabi oo baabiiyay bulshada Vanport 1948kii. Tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynaha daadadka ee caadi ahaan la sameeyo waxaa ka mid ah:

  • Xoojinta qaraha webiga, balliyada, iyo darbiyada daadadka.
  • Ku ilaalinta bannaan dhinacyada daadadku gaadhi karo.
  • Ku dhiirrigelinta caymiska daadadka inay kordhiyaa u adkaysiga guryuhu iyo ganacsiyadu u adkaysan karaan daadadka.

Historic Bonneville Landslide Map
Balliga Bonneville waxa ay ahayd meel ay ka dhacday ciid rogmanaysa oo aad u weyn ku dhawaad 500 oo sanno ka hor (Sawir: Dan Coe, Waaxda Washington ee Khayraadka Dabiiciga ah
CIIDDA ROGMANAYSA (LANDSLIDES) sidoo kale waxa ay u dhacaan si joogto ah, laakiin waa ay yaryihiin. Ciidaha rogmanaya ee waaweyn waxaa laga yaabaa inay badanaa dhacaan wakhtiyada daadadka ama dhulgariirka. Jiirada taagga ah ee ay ka gubteen geedo sidoo kale khattar dheeri ah ayaa ay leeyihiin, sidii dhacday ciidii rogmanaysay ee masiibada ahayd 2020kii ee ka dhacday Dodson, ee ku taal bariga Degmada Multnomah. Tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynaha ciidda rogmanaysa ee caadi ahaan la sameeyo waxaa ka mid ah:

  • Ku xassilinta jiirooyinka taagga ah geedo iyo dhiro kale.
  • Xaddidaada ka dhisidda dhismayaal cusub meelaha khattarta masiibooyinku aadka u sarrayso.

2017 Multnomah County Winter Storm Photo
Duufaankii Jiilaalkii 2017kii ee Degmada Multnomah (Sawir: Another Believer, Wikimedia Commons)
CIMILADA AADKA UDARAN waxaa ka mid ah kulaylka aad ka udaran, duufaanada jiilaalka, duufaanada hawada ah, iyo abaarta. Nasiib darradii, dhammaan masiibooyinkani waxa ay noqonayaan kuwo sii khattar ah oo aan la filan karin cimilada isbeddelaysa awgeed. Kulaylkii Juun 2021 waxa uu muujiyay sida ay khattarta uyihiin dhacdooyinka cimilo ay noqon karaan, iyo sidoo kale jiilaalkii 2017kii ee ka laayay dhowr nafood Degmada Multnomah. Tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynaha cimilada aadka udaran ee caadi ahaan la sameeyo waxaa ka mid ah:

  • Yaranta saamaynaha kulka ee magaalooyinka iyadoo la beerayo dhir dheeri ah.
  • Xayaysiinta hoyada jiilaalka iyo xagaaga si qorshe loogu sameeyo dadyawga ku nool meelo cimiladu aanay xakamaysnayn.
  • Kor uqaadista isticmaalka biraha wax lagu qabto (anchors) iyo hoos u xejiyayaasha si looga ilaaliyo hawooyinka daran guryaha la samaystay.

Mount Hood Volcanic Hazards
Sahanka Juquraafiga ah ee Maraykanka (USGS)
FOOLKAANOOYINKA waa dhacdooyin dhif iyo naadir ah, laakiin waa kuwo sida khattar aad usarraysa. Buurta Hood waa foolkaano qarxi karta oo dhow taasoo si daran u saamayn karta Degmada Multnomah waxaana la aaminsanayahay in markii ugu dambaysay ee ay sida weyn uqaraxday inay ahayd 1731. Buurta Saint Helens waxa ay qaraxday 1980kii, laakiin dambasku waxay dabayshu uqaaday beri, taasoo ka badbaadisay Degmada Multnomah saamaynihii xagga tayada hawada ee ugu xumaa. Tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynaha Foolkaanaha ee caadi ahaan la sameeyo waxaa ka mid ah:

  • Shaacinta waddooyinka daadgurka dadweynaha.
  • Samaynta nidaamyada digniinta ee xilliga hore oo hormarsan.

Wildfire Smoke in Multnomah County 2020
Qiiqii Dabkii Qabsaday Kaymaha Degmada Multnomah 2020kii (Sawir: Another Believer, Wikimedia Commons)
DABKA QABSADA KAYMAHA waa khattar jirta xagaa kasta, gaar ahaan marka la eegayo khattaraha caafimaad ee ka iman kara qiiqa, kaasoo ka iman kara dababka meelaha kale ka dhaca ee gobolka ama xattaa dibadda Oregon. Xagaayadu waa ay sii kululaanayaan waana ay sii qallalayaan, tanoo kor uqaadayso werwerada laga werwerayo meel kasta oo Degmada Multnomah ah. Dabkii Eagle Creek ee 2017kii waxa uu gubay ku dhawaad 50,000 acre oo ah Multnomah iyo Degmooyinka Webiga Hood, dumiyayna afar dhisme, xidhayna goobihii madadaalada ee Gorge sannado. Tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynaha dababka qaybsada keymaha ee caadi ahaan la sameeyo waxaa ka mid ah:

  • Ka caawinta hantiilayaasha guryaha inay samaystaan bannaan la dayran karo guriga iyo dhismayaasha kaleba hareerohooda.
  • In laga cidhib tiro noolayaasha si loo yareeyo dababka qabsada keymaha.
  • Horumarinta sifaynta hawada goobaha loo isticmaali karo sidii hoy hawo nadiif ah.

Si aad wax dheeri ah uga barato masiibooyinkan, gal Khayraadka Bulshada ee Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka (Kaliya Ingiriisi ah). Waxa aad arki kartaa khariidado muujinaya masiibooyinka websaytyada soo socda:

  • HazVu - Websaytka Waaxda Oregon ee Juqraafiga iyo Warshadaha Macdanta (DOGAMI) waxa uu muujinayaa khattaraha dhulgariirka, ciidaha rogmaya, iyo foolkanada iyagoo uhabaysan cinwaan ahaan dhammaan Oregon. (Oo ah Ingiriisi)
  • Sahamiyaha Dabka Keymaha ee Oregon - Websaytka Waaxda Oregon ee Keymaha (ODF) waxa uu muujinayaa khattaraha dabka keymaha iyagoo u habasan cinwaan ahaan dhammaan Oregon.  (Oo ah Ingiriisi)
  • National Flood Hazard Layer (NFHL) - Websaytka Hay’adda Maaraynta Xaaladaha Degdegga ah ee Federaalka waxa uu muujinayaa khattarta daadka oo ku muujisan khariidad oo u habaysan cinwaan ahaan dhammaan Maraykanka. (Oo ah Ingiriisi)
  • Metro Regional Barometer - Cimilada iyo Deegaanka - Khariidado ah Taxane Metro ha Dawlada oo ay ka mid tahay Jaziiradaha kulaylka Magaalada - goobaha khattaraha kulayku ugu daran yahay. (Oo ah Ingiriisi)

SAHANKA QORSHAYNTA YARAYNTA SAAMAYNAHA MASIIBOOYINKA DABIICIGA AH

Waxyaalaha aad ku darayso masiibooyinka dabiiciga ah waa mid mihiim u ah hannaanka qorshaynta. Su’aalahani waxa ay naga caawin doonaan inaanu kala hormariyaan istaraatiijiyadaha aqoonsadaana baahiyaha bulshada. Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga!

Questions?

Contact David Lentzner, Planning Division - david.lentzner@multco.us or by phone at 503.679.3275.