Bogga internet-ka ee caawimaada loogu talagalay marka kulayl jiro - Somali

La cusbooneysiiyay Jimcaha, Ogosto 13

Xarumaha la isku qaboojiyo ayaa furnaan doona Jimce, Ogosto 13. Xayawaanka la korsado waa la soo dhaweynayaa marka la joogo xarumaha la isku qaboojiyo. 

Fiirikhariidadan macluumaadka la isku isdhaafsanayo ee xarumaha la isku qaboojiyo, meelaha qabow, barkadaha dabaasha iyo meelaha biyo lagu cayaaro leh ‘splash pads’ ee goobta kuugu dhow.

Waxaa laga yaabaa inaad naga hesho qoraal digniin ah in kulaylku khatar yahay: “Kulayl daran oo jira maanta, caawa, barito. Tag meel qabow. Kuwa kale ka fiiri.” 

Gaadiidka

Qof kasta oo u baahan in uu kulaylka ka nafiso wuxuu TriMet u raaci karaa oo ku tagi karaa ugana soo noqon karaa goobta la isku qaboojiyo. Qofna loo diidi maayo raacitaanka.  

Qof kasta oo u baahan taageerada dhanka gaadiidka oo lagu aadayo xarun la isku qaboojiyo wuxuu sidoo kale wici karaa 2-1-1.

Xarumaha La isku qaboojiyo oo 24-saacadood ah

Furan duhurka, Arbacada, Ogoosto 11 ilaa 9 subaxnimo, Axada, Ogoosto 15

Xarunta La isku qaboojiyo Maalintii

Duhurka ilaa 9 galabnimo, Arbacada ilaa Axada, Ogoosto 15

Maktabadaha

Maktabadaha oo dhan waxay lahaan doonaa dhalooyinka biyaha oo la qaybinayo.   Maktabaduhu ma oggola xayawaanka la korsado.  Goobaha soo socda waxay sii furnaan doonaa ilaa 8 habeenimo, Arbacada ilaa Axada: 

Fiiri saacadaha loogu talagalay maktabadaha oo dhan. 

Soo dejiso oo daabaco Naftaada Daryeel Marka ay Kulushahay iyada oo warqadaha macluumaadka wata oo badani ku qoran yihiin luqaddo badan.