Haddii aad natiijada baaritaankaaga uu noqdo mid togan ama aad u malaynayso inaad qabtid COVID-19
June 12, 2023
Guriga Joog
Hadii lagaa helay COVID-19 mise aad muujinayso calaamadaha lagu garto, kasoo qaad inaad dadka kale ku daaran karto. Iska jir inaad ka ag dhawaato dadka xanuunka daran halista u leh.
Hadii aad aad muujinayso calaamadaha xanuunka mise aad xanuun dareemeyso
-
Guriga joog ilaa uu kaarka uu kaa baxo ugu yeraan aad qaadato 24 saacadood adigoon qaadanin daawooyinka kaarka jebiyo iyo hadii calaamadahaada xanuunka yeraanaayaan oo na soo ficnaaneyaan
-
Ku agxiro afxirka markaad dadka kale u dhawdahay ku dhawaad 10 maalmood ka dib markii ay calaamadahaaga bilbaabadeen, khaasatan hadaad guriga ku sugnaan karin
Hadii lagaa helo laakin aad calaamado muujinaynin shardi ma ahan inaad guriga ku sugnaato. Waxaa lagu talinayaa inaad afxir ku dhex xeratid agagaarka dadka kale ku dhawaad 10 maalmood.
Guriga joogitaanka marka aad xanuunsantahay waa muhiim. Haddii aad u baahan tahay caawimo, wac xarunta wacitaanka COVID 503.988.8939 oo weydii adeegyada laga yaabo in aad heli karto. Tarjumaano ayaa diyaar kuu ah.
U sheeg dadka aad kulanka dhow la yeelatay isla markaaba
Wac, iimayl udir, ama fariin udir dadka aad kulanka dhow la samaysay sida ugu dhakhsiyaha badan. Sidaas markaad samayso, waxay qaadi karaan tallaabo si aysan ugu faafin dadka kale.
U sheeg dadka aad u dhowaatay
-
Iskaga ilaaliyaan calaamadaha ayna u xirtaan af xirka markay joogaan agagaarka dadka kale ilaa 10 maalmood. Haddii ay bilaabaan inay dareemaan jirro waa inay ka fogaadaan kuwa kale ilaa ay iska baaryaan.
-
Qaataan baaritaanka COVID. Waqtiga ugu fiican in la qaato baaritaanka waa 5 maalmood ka dib markay hareerahaaga joogeen. Waxaa laga yaabaa in baariitaanku uusan shaqayn haddii ay si degdeg ah isu baaraan.
Daryeelka iyo daaweynta naftaada
Samee waxyaalaha aad caadi ahaan samaysid si aad u ladnaato: seexo, naso, cab dareeraayal badan. Dadka intiisa badan ayaa iskood u bogsan doona, si kastaba ha ahaatee, waa inaad isla markiiba wacdaa daryeel-bixiyahaaga sababtoo ah, iyadoo ku xiran da'daada ama xaaladahaaga caafimaad, daaweyn ayaa laga yaabaa in la heli karo.
Ha daahin Daaweynta waa in lagu bilaabo maalmo gudahood marka ugu horeysa ee aad isku aragto calaamadaha si ay waxtar u yeeshaan.
Haddi aanad lahayn caymis waxa laga yaaba in aad dawo ku hesho wada shaqayn la leh Oregon Health Authority iyo Color Health. Ka wac Color Health 833-273-6330 si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah. Wadatashigu waxa lagu heli karaa 17 luqadood.
Dadka qaarkiis waxay dhib ka qabaan sambabada, wadnaha, ama fekerka ka dib marka uu dhamaado xanuunka hore. Kala hadal dhakhtarkaaga ama rugtaada sida ay kuula socon doonaan ka dib qaybta hore ee jirradaada COVID-19.
Calaamadaha Digniinta Degdegga ah
Ka raadi calaamadaha digniinta degdega ah* ee COVID-19. Haddii qof uu muujiyo mid ka mid ah calaamadahan, raadso daryeel caafimaad degdeg ah (wac 911) isla markiiba:
-
Neef-qabasho
-
Xannuun joogto ah ama cadaadis qofku ka dareemayo shafka
-
Wareer cusub
-
In awood qofku uyeelan waayo inuu hurdada ka koco ama sooba jeedo
-
Maqaarka, bishimaha ama ciddiyaha oo midabkoodu buluug, ama sibidhi noqdo, iyadoo ku xiran kolba nooca maqaarka
COVID iyo shaqadaada
Ma waxay tahay inaan ku wergeliyo shaqo-geliyahayga?
Waxaan kuugula talinaynaa in aad cidda aad u shaqayso u sheegto haddii lagaa helo COVID-19 aadna ka ag dhawayd dadka kale ee shaqada jooga. Dadka kaa ag dhawaa markii aad shaqada joogtay ayaa intaa kaddib ogaan doona in ay isbaaraan.
Haddii cidda aad u shaqaysaa ay u baahan tahay warbixinta dhakhtarka si aad guriga u joogto, waxaad la xiriiri kartaa dhakhtarkaaga, xarunta caafimaadka, ama meesha aad iska baartay.
Shaqo-geliyahaygu ma u sheegi doonaa dadka aan isla shaqayno in la iga helay cudurka?
Laga bilaabo Abriil 3, 2023, loo-shaqeeyayaasha khasab kuma ahan inay ogeysiiyaan shaqaalaha haddii uu jire u bayla noqosho cudur oo shaqada la xidhiidha.
Ku soo noqoshada shaqada
Cidda aad u shaqaysaa waa in aysan shardi uga dhigin shaqaalaha in ay la yimaadaan caddaynta baaritaankooda oo muujinaya in aysan cudurka qabin kahor inta aysan kusoo laaban shaqada. Xiro af xirka ilaa ay ka soo wareegtay 10 maalmood tan iyo markii ay calaamaduhu bilaabmeen.