Dalbo Guddida Kaqaybgalka Bulshada Degmada Multnomah

  • Ma danaysaa kaqaybgalka bulshada ee go'aan-qaadashada Degmada? 
  • Ma rabtaa inaad gacan ka gaysato yaraynta cabaqadaha hor taagan codka bulshada ee barnaamijyada iyo siyaasadaha Degmada? 
  • Ma ku raaxaysataa la shaqaynta kooxo dad kala duwan ka kooban si aad u aqoonsataan yoolal caam ah oo faa'ido u leh bulshada?
    Hadday sidaas tahay, dalbo inaad ku biirto Guddida Kaqaybgalka Bulshada ee Degmada.

Guddida Kaqaybgalka Bulshada waxay ururka kala taliya Degmada Multnomah kaqaybgalinta iyo ka-qayb-noqoshada bulshada. Hadda waxaanu shaqaalaynaynaa xubno cusub oo ka mid noqda Guddida Kaqaybgalka Bulshada. Xubnuhu waxay xaq u leeyihiin $35 gunno kulan kasta.

Sanadkan, waxaanu si gaar ah shaqaalaynaynaa xubnaha Deegaanka 1 - ka raadi degmadaada halkan:  tinyurl.com/multcodistricts 

Onlayn ku dalbo ama soo dejiso dalabka waraaqaha ah oo ku soo celi Xafiiska Kaqaybgalka Bulshada. Dalabyada iyo macluumaad dheeraad ah ayaa la heli karaa: multco.us/oci/cic  
Kulamada Macluumaadka: Isniinta, Febraayo 26-deeda, 12:00-1:30 galabnimo & Khamiista, Maarso 7-deeda, 5:30-7:00 galabnimo

Wakhtiga kama dambbaysta ah ee dalabyadu waa Jimcaha, Maarso 15keeda, saacaddu markay tahay 11:59gd.

af Soomaali - FY24 Community Involvement Committee Application - Somali (437.4 KB)

Haddaad qabto su'aalo ku saabsan hannaanka dalabka ama aad jeclaan lahayd kaalmo ku aaddan buuxinta dalabkaaga, kala xiriir Xafiiska Kaqaybgalka Bulshada community.involvement@multco.us ama 503.988.3450.