October 27, 2022

Khamiista, Oktoobar 27, 2022

Xiriirada: Tim Scott ama Eric Sample, 503-988-VOTE (8683)

Dhammaan Codbixiyaasha ka Diiwaangashan Degmada Multnomah Waxay Ahayd Inay Helaan Warqadahooda Codaynta

Woman holding ballotDhamaan duwaan gelinayaasha duwaan gashan ee Degmada Multnomah waa inay helaan waraaqahooda codaynta maanta, Khamiista, Oktoobar 27, 2022. Haddii aadan wali boostada ku helin waraaqdaada codbixinta, ama haddii aad u baahan tahay in laguu badalo waraaqda codbixinta, fadlan la xariir Waaxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah ood ka wacayso 503-988-VOTE. Waraaqaha codbixinta ee la dhiibtay waa inay soo garaan xafiiska doorashooyink ee degmada oo ku yaala Oregon ama goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah marka la gaaro 8 fiidnimo, Talaadada, Noofember 8, ama boostada lasoo dhigaa laguna soo taariikheeyaa Noofember 8, si loo tiriyo. 

Si aad u hesho Goob Codaynta Rasmiga ah oo kuu Dhow, booqo multco.us/dropsites.

Habeenada La kordhiyay waxaa Laga heli karaa Labada Goobood ee Adeega Cod bixiyaha

Saacadaha caadiga ee Doorashooyinka Degmada Multnomah ee labada goobood ee adeegga cod -bixiyayaasha waa 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha. Saacadaha la kordhiyay ayaa lagu bixin doonaa labadaba goobaha ku yaala Southeast Portland iyo Gresham:

  • Arbacada, Nufeembar 2 ilaa Jimcada, Nufeembar 4, 8 subaxnimo – 7 fiidnimo
  • Sabtida, Nufeembar 5: 10 subaxnimo - 2 duhurnimo
  • Isniinta, Nufeembar 7: 8 subaxnimo - 7 fiidnimo
  • Talaatada, Noofember 8 (MAALINTA DOORASHADA): 7 subaxnimo - 8 habeenimo.

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah oo ku yaala 1040 S.E. Morrison St ee Portland. Waxaa jira baarkinka gaariga la dhigto oo wadada ku yaala oo xadidan wuxuuna u dhow yahay jidadka basaska TriMet 15 iyo 70. 

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ku taal Degmada Multnomah ee Dhismaha Bari oo ku yaala 600 N.E. 8th St. ee Gresham. Xarunta Codbixinta Degdegga ah waa goob adeegga cod-bixiyaha ugu dhow in ka badan 165,000 Cod-bixiyeyaasha Degmadda Multnomah ee ku nool bariga Interstate 205. Baakinku waa lacag la'aan. Xarunta Codbixinta Degdega ah ayaa sidoo kale ku taala aaga TriMet Gresham Central Transit Center MAX Station.

Fadlan ogoow, gafuur xirka ayaa qasab ka ah gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah halkaasoo Xarunta Codbixinta Degdega ah ay ku taalo waayo waa goob dadka u dhexaysa taasoo bixisa adeegyada caafimaadka. Adeego codayn oo badan ayaa sidoo kale lagu buuxiyaa onlayn ahaan multco.us/elections. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan wac 503-988-VOTE (8683).

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay u diyaarin doontaa turjubaan, bilaash ah, cid kasta oo u baahan in laga caawiyo luuqad aan Ingiriisi ahayn. Macluumaadka dheeraadka ah ee codbixinta iyo doorashooyinka oo ku qoran 18 luqadood ayaa laga heli karaa onlayn ahaan barta multco.us/VEOLang.

La soco Warqadaada Codeynta

Codbixiyaasha Degmada Multnomah waxay iska diiwaan gelin karaan adeega Lasoco Warqadaada Codaynta ee bogga multnomah.ballottrax.net si ay u ogaadaan goorta ay warqahooda codaynta kusoo socdaan. Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa lagu heli karaa sidoo kale luuqado badan! Codbixiyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha lasocoshada warqada codbixinta iyo wararka luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Af-Ruush, Af-Soomaali, Fiitnaamiis ama Shiineys. Wargelinta ayaa sidoo kale muujinaysa hadii warqada codaynta la aqbalay ama hadii ay u baahan tahay in talaabo dheeraad ah laga qaado. Codbixiyaasha ayaa heli kara astaanta oonleenka ah ee "Waan Codeeyay" kadib marka ay soo ceshaan waraaqdooda codbixinta. 

Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah 

Degmada Multnomah waxay leedahay 30 Goobood oo Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah oo la heli karo hadda ilaa 8 fiidnimo Maalinta Doorashada si aad u soo celiso warqadaada codbixinta, waxaa kamid ah goobaha Laybareeriga Degmada Multnomah. Dhamaan Goobaha Rasmiga ah ee Codbixinta Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin barta multco.us/dropsites

Goobta ugu cusub ee la keenayo waxay ku taalaa dhanka koonfureed ee Rose Quarter, oo waxa uu ku xigaa iyo calaamada Rip City! Goobtan waa kaliya meel la iska imanayo. Codbixinta waxaa laga soo qaadan doonaa goobaha maktabadaha iyo dhammaan Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee kale si joogto ah. 

Maalmaha Ka Hadhay Maalin Doorashooyinka Noofember 8

  • Dhamaan codeeyayaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta: Khamiista, Oktoobar 27, 2022
  • Maalinta Doorashada: Talaatada, Nufeembar 8, 2022
  • Natiijada doorashada ee kama danbaysta ah waxaa la shaaciyaa: Diseembar 5, 2022

Goobta Main Portland:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham (Waxay furan tahay Isniin, Oktoobar 17 ilaa Talaata, Noofember 8, 2022)

Xarunta Codbixinta Express ee Dhismaha Bari ee Ismaamulka Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Macluumaadka Xidhiidhka:

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Websaytka: MultnomahVotes.gov