November 8, 2022

Talaatada, Noofember 8, 2022

Xiriirada: Tusaale Tim Scott ama Eric, 503-988-VOTE (8683)

Xogta Maalinta Doorashada ee Degmada Multnomah: Waraaqaha Codbixinta ayaa ku eg 8 fiidnimo ama boostada lagusoo diray ama lagu asteeyay in la dhiibtay Noofember 8, 2022 si loo tiriyo

Vote muralMaanta, Noofambar 8, 2022 waa maalintii u danbeysay ee codeynta Doorashooyinka Guud. Waraaqaha codbixinta waa in la keenaa mid kamid ah xafiisyada doorashooyinka ee degmada gudaha Oregon ama Goobta Sanduuqa Rasmiga ah e ee Codbixinta caawa ugu danbayn 8 fiidnimo, ama waan in boostada lagu soo diraa Nufeembar 8, si loo tiriyo. Jadwalka Shaacinta Natiijada Doorashada ee doorashadaan ayaa laga fiirin karaa  halkaan

Codeeyayaashu waxay isticmaali karaan Goobaha Sanduuqayada Lagu Diro Waraaqaha Codaynta 24-Saacadood iyo Goobaha buugta la dhigo ee Maktabad kasta oo ku taala Degmada Multnomah si qaab amaan ah oo nabadgelyo leh loogu rido sanduuqa codbixinta. Si aad u hesho Goobta Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee kuugu dhaw ama Goobta waraaqaha la dhigo ee maktabada booqo multco.us/dropsites. Dhamaan duwaan gelinayaasha duwaan gashan ee Degmada Multnomah waa inay helaan waraaqahooda codaynta, Khamiista, Oktoobar 27, 2022. 

Codbixiyaasha Degmada Multnomah ee u baahan waraaqda codbixinta ama doonaaya in la caawiyo waa inay wacaan Waaxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah oo laga helaayo 503-988-VOTE (8683). Si loo siiyo caawimaad toos ah, codbixiyaasha ayaa sidoo kale booqan doona Dhismaha Doorashooyinka ee Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah oo u yaala Koonfur-Bari Portland (1040 SE Morrison St., Portland) ama Xarunta Codbixinta Degdega ah oo ku taala Gresham (600 NE 8th St., Gresham, gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah). 

Fadlan ogoow, gafuur xirka ayaa qasab ka ah gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah halkaasoo Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham ay ku taalo waayo waa goob dadka u dhexaysa taasoo bixisa adeegyada caafimaadka.

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay u furnaaneysaa ilaa iyo 8-da fiidnimo adeegyada codbixiyaasha

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ka furnaan doonaan Koonfur Bari Portland iyo Gresham labadaba ilaa iyo 8 fiidnimo Maalinta Doorashada, Noofember 8, 2022 si loo caawiyo codbixiyaasha. Shaqaalaha doorashada ayaa ka caawin kara codbixiyaasha inay badashaan waraaqda codbixinta ee luntay ama haloowday, ama inay wax ka abdalaan xogtooda diiwaan gelinta codbixiyaha. Shaqaaluhu waa inay sidoo kale siiyaan kaalmo dadka codaynaya ee laxaadka la'. 

Codeeyayaasha ku hadla luuqad aan Ingiriisi ahayn waxay kaalmo ku heli karaan luuqada ay doorbidaan. Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay siisaa turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luqad aan Ingiriisiga ahayn. Codaynta dheeraadka ah iyo macluumaadka Doorashooyinka oo ku qoran 18 luuqadood oo kala duwan oo waxay online ahaan ay ku jiraan multco.us/education-and-outreach

Shaqaalaha doorashooyinku waxay sidoo kale diyaar u yihiin ka jawaabida su'aalaha ama kaalmooyinka kale ee la xiriira Doorashooyinka iyada oo lala hadlayo 503-988-VOTE (8683). 

Adeegga Horay U Sii Dalbo Warqadda Codbixinta Baddelka ah

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay Bixisaa Amar Ka hor Inta aan la Beddelin Adeegga Cod-bixinta oo u oggolaanaya cod-bixiyeyaashu in ay khadka tooska la codsadaan badalida waraaqda codbixinta ayagoo booqanaaya multco.us/orderahead kahor intaysan booqan goobta adeegga codbixiyaha si ay usoo qaataan waraaqda codbixinta. Cod-bixiyeyaashu waxay ka qaadan karaan warqadda codbixinta beddelka ah isla maanta midkood Xarunta Codbixinta Degdegga ah (600 NE 8th St., Gresham, gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah) ama Dhismaha Doorashooyinka ee Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah (1040 SE Morrison St., Portland). Si loo codsado dalabyada, inta lagu jiro saacadaha shaqada, waraaqda codbixinta ayaa laga heli doonaa midkood goobta xafiiska ee aad doorato labo saacadood gudahood.

Furo adeegga Lasocoshada Warqadaada Codaynta 

Adeegayaga caanka ah Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa hadda lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha lasocoshada warqada codbixinta iyo wararka luuqadaha Ingiriisi, isbaanish, af-Ruush, Af-Soomaali, Fiitnaamiis ama Shiineys. Waxaad qaadataa muuqaalka warqada "Waan Codeeyay" ah kadib marka aad soo celiso warqadaada codaynta. Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan inay booqdaan multnomah.ballottrax.net.

Goobaha Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah

Dhamaan Goobaha Rasmiga ah ee la Dhigo Waraaqaha Codbixinta, ayna ku jirana goobaha Maktabada Degmada Multnomah, oo furnaan doona ilaa 8 fiidnimo caawa, Talaado, Noofember 8, waxay ku qoran yihiin hoos. Waxaa kamid ah Goobta Codaynta Rasmiga ah ee Rose Quarter ee cusub, oo ku taala dhanka koofureed ee Rose Quarter oo ku xiga fawnteenka biyaha iyo calaamada Rip City! Goobaha Codaynta Rasmiga ah waxaa loo faaruqiyanaa maalinta oo dhan iyo si dhakhso ah ilaa 8 fiidnimo caawa. Liiska dhamaystiran waxaa sidoo kale laga heleyaa multco.us/dropsites

Portland

North Portland

  • Quarter Rose – Waxay ku taal dhanka koonfureed ee Quarter Rose fawnteenka iyo calaamada Rip City – Iska imaatin kaliya (eeg khariidadda)
  • Maktabadda St. Johns (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) –7510 N Charleston Ave. (eeg khariirada)
  • Maktabadda North Portland (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 512 N Killingsworth St. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Kenton (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 8226 N Denver Ave. (eeg khariirada)
  • Dukaanka Raashinka ee Green Zebra (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah) – 3011 N Lombard St. oo ku yaal qeybta dambe ee baabuurta la dhigto ee N Curtis Ave. (fiiri qariirada)
  • Beerta McCoy (Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah) – Waxa uu ku yaala koonaha koonfur bari ee Beerta McCoy oo u dhaw isgoyska iyo N Trenton St. iyo N Newman Ave. – Keliya dadka Lugaynaaya) (arag qariirada)

Northeast Portland

  • Maktabadda Albina (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah) –216 NE Knott St. (eeg khariidada)
  • Maktabadda Hollywood (Sanduuqa Buuga Maktabadda Lagu Diro) – 4040 NE Tillamook St. (eeg khariirada)
  • Mqaayada McDonald (Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah) – 2010 NE César E. Chávez Blvd., wuxuu ku yaalaa dhanka galbeed ee NE 40th Ave. inta u dhexaysa NE Tillamook St. iyo NE Hancock St., una dhow aaga Maktabada Hollywood (qariirada)
  • Maktabadda Gregory Heights (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 7921 NE Sandy Blvd. (eeg khariirada)
  • Dariska Parkrose (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah) – 4390 NE 102nd Ave. – ee ku yaala baarkinka bari ee kasoo horjeeda jidka Community College Maywood Maywood Park Center ee NE 102nd Ave. iyo NE Prescott St. (eeg khariirada)

Northwest Portland

  • Laybareeriga Northwest (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 2300 NW Thurman St. (eeg khariirada)

Southeast Portland

  • Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah – 1040 SE Morrison St. (eeg khariirada)
    • SE 11th Ave. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah wuxuu ku yaalaa dhanka bari ee SE 11th Ave. inta u dhaxaysa SE Alder St. iyo SE Morrison St
    • SE Belmont St. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaal dhanka waqooyi ee SE Belmont St. inta u dhaxeysa SE 10th Ave. iyo SE 11th Ave.
    • 1040 SE Morrison St. – Goobaha dhismaha ee Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah oo ku yaala koonaha SE 11th Ave. iyo SE Morrison St.
  • Maktabadda Belmont (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 1038 SE César E. Chávez Blvd. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Sellwood-Moreland (Meesha Buugta Laybareeriga La Keeno): 7860 SE 13th Ave. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Woodstock (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 6008 SE 49th Ave. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Holgate (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 7905 SE Holgate Blvd. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Midland (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee Rido) – 805 SE 122nd Ave. (eeg khariirada)
  • Tiyaatarka Filimka Shineemooyinka Regal / M & M Car Wash (Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah) – SE Division St. & SE 165th Ave. oo ku yaal baarkinka Regal Cinemas oo ka danbeeya M & M Car Wash (eeg khariirada)
  • Laybareeriga Rockwood (Sanduuqa Buugaagta Laybareeriga) – 17917 SE Stark St. (eeg khariirada)

Southwest Portland

Fairview

  • Maktabadda Fairview – Columbia (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 1520 NE Village St. (eeg khariidada

Gresham

  • Maktabadda Gresham (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah) – 385 NW Miller Ave. (eeg khariirada)
  • Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Dhismaha Bari ee Ismaamulka Multnomah (Goobta Codaynta Rasmiga ah): 600 NE 8th St., oo ku dhax taala Xarunta Codbixinta Degdega ah ee dabaqa kowaad ee Dhismaha Bari ee Ismaamulka Multnomah. Waxa uu u furan yahay kaliya saacadaha shaqo ee Xarunta Codbixinta Degdega. Waxaad u baahan doontaa inaad gaadhiga meel soo dhigato kadibna usoo lugayso gugaha si aad u xareyso warqadaada codaynta. (eeg khariirada)

Troutdale 

  • Maktabadda Troutdale (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 2451 SW Cherry Park Rd. (eeg khariirada)

Maalmaha Ka Hadhay Maalin Doorashooyinka Noofember 8

  • Maalinta Doorashada: Noofambar 8, 2022
  • Natiijada doorashada ee kama danbaysta ah waxaa la shaaciyaa: Diseembar 5, 2022

Goobaha Waaxda Doorashooyinka

Xafiiska Guud:

Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building

1040 SE Morrison St., Portland

Goobta Gresham (furan Oktoobar 17 – Noofember 8, 2022):

Voting Center Express at the Multnomah County East Building

600 NE 8th Street, Gresham

Taleefan: 503-988-VOTE

Iimayl: elections@multco.us

Webseedka: MultnomahVotes.gov