May 22, 2023

Kala xidhiidh: Tim Scott, Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683) ama Jessica Morkert-Shibley, 971-563-3735 

Laga bilaabo 1:00 p.m. Arbabacada, Maajo 17, codbixiyaasha codkooda ka dhiibtay Waxbarashada Gaarka ah ee Degmada ayaa gaaray 26.3% ayadoo la dhiibtay 149,386 cod. Tiradaas ayaa la filayaa inay kororto maadaama codbixintu wali socoto waraaqaha codbixinta ee lagusoo diraayo boostada ee ku Taariikhaysan Maalinta Doorashada ay imaanayaan xafiiska Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah.

Heather Burmeister Waa Iskuduwaha Saadka Doorashooyinka — kaasoo sidoo kale loo yaqaano maamulaha dhaqdhaqaaqyada doorashooyinka.
Heather Burmeister Waa Iskuduwaha Saadka Doorashooyinka — kaasoo sidoo kale loo yaqaano maamulaha dhaqdhaqaaqyada doorashooyinka.

Ayadoo doorashooyinka degmada, oo lagu qabto sanado tiro kinsi ah, aysan helin isla codbixiyaasha badan ee ay helaan doorashooyinka kale, haddana saamayntooda ayaan ka yareyn doorashooyinka kale. Doorashada Maajo 16 waxaa ku jira tartanka loogu jiro kursiga Gudiga Gudoomiyaasha Ismaamulka Multnomah iyo xilalka kale ee maxaliga ah, iyo sidoo kale xilalka gudiyada dugsiga ee maxaliga ah, kuleejyada bulshada, Degmada Adeegga Waxbarashada Ismaamulka Multnomah, iyo waaxaha dab damiska iyo biyaha ee miyiga. Tartamada gaarka ah iyo hindise sharciyeedyada ee ku qoran warqada codbixinta ee shaqsiyeed waxay ku xirantahay degmooyinka iyo awoodaha maxkamadeed ee uu qofka ku noolyahay. 

Waad ku mahadsan tihiin kumannaanka codbixiyeyaasha ee Degmadda Multnomah ee ka qaybqaatay oo hubiyey in codkooda lagaga dhageystay doorashada degmada gaarka ah. 

Qabashada Doorasho waa Dadaal Kooxeed

Laanta Doorashada ee Ismaamulka Multnomah ayaa fulisa dhammaan doorashooyinka maxaliga ah, kuwa magaallada, ismaamulka, gobalka, iyo federaalka ee dadka ku dhaqan Ismaamulka Multnomah. Koox gaar ah oo kamid ah shaqaalaha doorashada ayaa ka caawisa codbixiyaasha oo maamusha walaaqaha codbixinta laga bilaabo soo saarista ilaa boostada, ayadoo xaqiijinaysa in codbixinaayo ay si kalsooni leh u dhiibtaan waraaqahooda codbixinta ayna soo ceshaan si loo tiriyo. Maaha hawl fudud. Hoos waxaad ka helaysaa qaar kamid shaqaalaha gaarka ah oo naga caawiya fulinta hawshaas oo dhan.

Shawn Jacquiss waa mid kamid ah shaqaalaha badan ee doorashada kaasoo gacan naga siiya tirinta waraaqaha codbxinta asagoo kala hufa
Shawn Jacquiss waa mid kamid ah shaqaalaha badan ee doorashada kaasoo gacan naga siiya tirinta waraaqaha codbxinta asagoo kala hufa

Shawn Jacquiss waa mid kamid ah shaqaalaha badan ee doorashada kaasoo gacan naga siiya tirinta waraaqaha codbxinta asagoo kala hufa. Laanta Doorashada ayaa adeegsata cabirada heer ganacsiga si ay u qiimayso waraaqaha. Waa mid kamid ah talaabooyinka badan ee la qaado si ay gacan uga gaystaan in tirinta waraaqaha codbixintu tahay mid sax ah, ayna ku jirto tirinta kama danbaysta ah.

Ka biloow dhanka bidix: Anna Preble, Teresa Mandzij, Alan Blank iyo Jackie Fowler.
Ka biloow dhanka bidix: Anna Preble, Teresa Mandzij, Alan Blank iyo Jackie Fowler.

“Gudiga fura sanduuqyada codbixinta” waa xubno ka kooban afar shaqaalaha doorashada oo la dhaariyay kana kala yimid xisbiyada kaladuwan kuwaasoo fura una diyaarsha waraaqaha codbixinta in la tiriyo. Waxay naga caawiyaan xaqiijinta inay waraaquhu u diyaarsan yihiin in la tiriyo. Jackie Fowler waa xubin kamid ah shaqaalahaas. Waxay ka shaqaysay gudiga sanduuqyada codbixinta fura intii lagu jiray afar doorasho labadii sano ee lasoo dhaafay. Ayadoo ah macalin kuleej oo shaqada ka fariistay, waxay jeceshahay inay ku tabarucdo ayna u adeegto hawlaha mudda sida Tirakoobka 2020 iyo doorashooyinka. “Waxaan jeclahay inaan la joogo dadka aanan caadiyan la kulmeen. Waa arin xiiso badan. Ma ihi hawlgab — ee dib ayaa nolosha la iigu bilaabay,” ayay tiri.

Heather Burmeister Waa Iskuduwaha Saadka Doorashooyinka — kaasoo sidoo kale loo yaqaano maamulaha dhaqdhaqaaqyada doorashooyinka. Waxay xaqiijisaa in dhammaan sanduuqyada codbixinta la furo lana xiro waqtiga loogu talagalay. Burmeister waxay ka shaqaysaa Bridge Shop ka Ismaamulka Multnomah, Waaxda Gaadiidka iyo Maktabadaha, iyo sidoo kale iskaashatada ganacsiga, si la iskugu duba rido meelaynta Goobaha Codbixinta Rasmiga ah. Doorashadaan, waxay maamulaysaa koox todobo qof ah oo shaqaalaha doorashada ee la dhaarshay ah — oo sidoo kale loo yaqaano maamuleyaasha - kuwaasoo si joogto ah u soo qaada waraaqaha codbixinta xirana sanduuqyada codbixinta marka ay ku dhacdo saacadu 8 p.m. habaynka Doorashada. 

"Markasta waan jeclaa xujooyinka wanaagsan. Waligay ayaan jeclaan shaqooyinka dag. Waxaan ahay cilad bixiye,” ayay tiri Burmeister.

Darlene Curran, Paty Vasquez Pacheco iyo Svetlana Kushnir waxay ka shaqeeyaan Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham.
Darlene Curran, Paty Vasquez Pacheco iyo Svetlana Kushnir waxay ka shaqeeyaan Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham.

Darlene Curran, Paty Vasquez Pacheco iyo Svetlana Kushnir waxay ka shaqeeyaan Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham.  Xarunta Codbixinta Degdegga ah ayaa laga furay sanadkii 2018 Degmada Multnomah Dhismaha Bariga ee ku yaala bartamaha Gresham. Waxay caadiyan furan tahay 21  kahor doorasho kasta waxayna bixisaa isla adeegyada ay bixiso Laanta Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah oo ku yaala Koonfur Bari Portland. Ayadoo ah goob u dhow codbixiyaasha ku nool bariga Wada Interstate 205, xarunta ayaa sahasha in ay codkooda dhiibtaan bulshooyinka kaladuwan ee Gresham.   

"Waxaan jeclahay inaan qayb ka ahaado kooxdaan adeegyada siisa dhammaan codbixiyaasha," ayuu yiri Vasquez Pacheco, kaasoo hogaansha kooxda Xarunta Codbixinta Degdega ah.

"Waxaan jeclahay inaan halkaan ka shaqeeyo sabab la xiriirta bulshada Isbaanishka ku hadasha oo aan jeclahay inaan caawiyo," ayay tiri.

Kuwaani waa keliya qaar kamid ah shaqaalaha tirada badan ee geliyay waqtiga iyo xirfada si ay u qabtaan doorashooyinka Ismaamulka Multnomah. Ka ogoow xog badan oo ku saabsan tubta doorashada hakaan.

Natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada ayaa la heli doonaa ugu danbayn Isniinta, Juun 12, 2023.

Natiijooyinka kama danbaysta ah ee rasmiga ah ee doorashada ayaa xaqiijin doonaa loona soo bandhigi doonaa degmoyinka gaarka ah ugu danbayn Isniinta, Juun 12, 2023. Ka shaqeynta warqadda codbixinta ayaa sii socon doonta maanta, iyadoo natiijooyinka si joogto ah loogu cusbooneysiin doono MultnomahVotes.gov

 Xafiiska Guud:

Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building

1040 S.E. Morrison St., Portland, AMA 97214

Goobta Gresham:

Hadda waa la xiray 

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham, AMA 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimeelka: elections@multco.us 

Webseedka:  MultnomahVotes.gov