October 17, 2022

Xiriirada: Tim Scott ama Eric Sample, 503-988-VOTE (8683)

Isniin, Oktoobar 17-keeda, 2022: Talaado, Oktoobar 18-keeda, waa Kama dambaysta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Nofeembar 8-da, 2022, Doorashada Guud. 

voter registeringDoorashooyinka xiga ee Ismamaulka Multnomah waa Nofeembar 8-da waxaa ku jira doorashooyinka Aqalka Sare ee Maraykanka, Wakiillada Aqalka Hoose, Gudoomiyaha Gobalka, baarlamaanka gobalka iyo xilal kale.

Isduwaan gelinta codaynta ee doorashadan waxay ku eeg tahay Talaadada, Oktoobar 18. Waraaqaha codaynta waxaa boosta loogu diri doonaa dhamaan codeeyayasha Ismaamulka Multnomah ka diiwaan gashan laga bilaabo Arbacada, Oktoobar 19-keeda. Dhammaan codbixiyayaasha diwaangashan ee Ismaamulka Multnomah waxay heli doonaan waraaq codbixineed doorashadan. Waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo inaad isku duwaan geliso codaynta oo waxa aad cusboonaysiisaa is duwaan gelintaada si markaa aad sida ugu dhakhsaha badan aad ugu heli karto warqadaada codaynta. 

Cod -bixiyayaasha cusub ee Oregon ee haysta laysanka darawalnimada Oregon oo shaqeenaya, oggolaanshaha wadista baabuurka, ama aqoonsi ayaa iska diiwaangelin kara habka onlaynka ee OregonVotes.gov. Is duwaan gelintu oonlaynka waxay ku eeg tahay 11:59 p.m Oktoober 18, 2022. 

Haddii aadan haysan Shatiga Darawalka ee Oregon, deganaanshaha, ama kaadh aqoonsi waxad u bahantahay inaad buuxiso warqada kaadhka Diwaangalinta codbixiyaha Oregon ee laga heli karo xafiiska boostada Maraykanka, goobaha Laybareeriga Ismaamulka Multnomah, ama Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multimoh. Waxa kale oo aad ka daabacan kartaa mid, bogga Xoghayaha Gobolka ee Oregon. Waxa ay ku eeg tahay soo dirida Kaadhka Duwaan Gelinta Cod Bixiyaha Oregon taariikhda ku qoran bashqada oo ah Oktoobar 18, 2022.

Cod bixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah oo ku yaala 1040 S.E. Morrison St. ee Portland ama Xarunta Codbixinta Express ee 600 N.E. 8th St. ee Gresham, oo ku taal gudaha Dhismaha Bari ee Ismaamulka Multnomah. Xarunta Codbixinta ee Express waa goob adeeg oo dheeri ah oo furnaan doonta Oktoobar 17-keeda ilaa Nofeembar 8-deeeda, 2022. Sababtoo ah Xarunta Codbixinta Express waxay ku taalaa gudaha xarunta daryeelka caafimaadka, daboolka wajiga/maaskaro ayaa looga baahan yahay kuwa ka weyn da'da 5-naad. Doorashooyinka Ismaamulka Multnomah waxay aqbali karaan foomamka diiwaangelinta codbixiyaha qof kasta oo degan Oregon. 

Laanta Doorashooyinka ee Ismaamulka Multnomah ayaa sii shaqayn doonta saacado dheeraad ah maalinta Oktoobar 18 labadadeeda xarumood ba ee Dhismaha Doorashooyinka oo ku yaala Koonfur Galbeed Portland iyo Xarunta Codbixinta Degdega ah ee ku taala Gresham. Labada goobaadba waxay furnaan doonaan inta u dhexaysa 8 a.m. - 7 p.m. Waqtig loo cayimay diiwaan gelinta tooska ah ee codbixiyaasha waa 7 p.m. maalinta Oktoobar 18, 2022 labada Xarumood ba ee Doorashada Multnomah.

Cod bixiyaasha aan joogin deegaankooda Maalinta Doorashooyinka waa inay la xariiraan Waaxda Doorashooyinka si ay oga codsadaan warqadaha cod bixinta ee loogu talagalay dadka aan joogin sida ugu dhaqsiyaha badan.  

Furo adeegga Lasocoshada Warqadaada Codaynta 

Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Ismaamulka Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Waxaad dooran kartaa inaad ku heshid fariimaha lasocoshada warqada codbixinta iyo wararka Ingiriisi, isbaanish, af-Ruush, Af-Soomaali, Fiitnaamiis ama Shiineys. Wargelinta ayaa sidoo kale muujinaysa hadii warqada codaynta la aqbalay, ama hadii ay u baahan tahay in talaabo dheeraad ah laga qaado. Hel astaanta "Waan Codeeyay" ee onleenka ah ka dib markaad celiso warqadaada codaynta. Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan inay booqdaan multnomah.ballottrax.net

Taageerada doorashada waxay sidoo kale diyaar ku tahay luuqadda codbixiyuhu doorbidayo.

Waxaad sidoo kale taageero codbixinta ku codsan kartaa luuqaddaa doorbidayso. Laanta Doorashooyinka ee Ismaamulka Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla. Laanta Doorashooyinku waxay sidoo kale u diyaarin doonaan turjubaan, bilaash uu ku helaayo cid kasta oo u baahan in laga caawiyo codbixinta ama nidaamka doorashooyinka ayadoo la adeegsanaayo luuqad aan Ingiriisi ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).

Cod bixiyaasha u baahan caawimaada waxay sidoo kale booqan karaan oonlaynka, way wici karaan ama iimayl ayay udiri karaan si ay u dalbadaan in laga caawiyo hab nidaameedka Doorashooyinka; oo ayna ku jiraan iska diiwaangelinta cod bixinta, sameynta ama akhrinta buugga cod bixinta, cusbooneysiinta diiwaanka cod bixiyaasha, fahanka shuruudaha Doorashooyinka iyo habka loo coddeenaayo ama arin kasta oo kale oo ku saabsan Doorashooyinka. 

Doorashooyinka Ismaamulka Multnomah waxa uu ka caawin doonaa dhamaan codeeyayaasha inay si fudud u codeeyaan, gaar ah oo masaxbanaan, fahmaan talaabooyinka codaynta, fahmaan shuruudaha codaynta, oo ay bartaan cida ay kaalmada waydiisanayaan. Xaalada cod bixiye kasta ayaa noqon karta mid gaar ah.

Tirinta ilaa Nofeembar 8-da, 2022, Doorashada Guud

  • Xarunta Codbixinta Express ee Gresham waxaa la furayaa - Oktoobar 17-ka
  • Xilliga Kama dambaysta ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha: Oktoobar 18-ka
  • Waraaqaha codbixinta waxaa la bilaabi doonaa in boosta loogu diro codeeyayaasha - Oktoobar 19-ka
  • Dhamaan codeeyayaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta: Oktoobar 27-da
  • Maalinta Doorashada - Nofeembar 8-da
  • Natiijada doorashada ee kama danbaysta ah waxaa la shaaciyaa - Diseembar 5-da

Macluumaadka xiriirka:

Iimayl: elections@multco.us

Webseedka:MultnomahVotes.gov 

Xafiiska Guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland, AMA 97214

Goobta Gresham: (Oktoobar 17-keeda - Nofeembar 8-da)

Xarunta Codbixinta Express ee Dhismaha Bari ee Ismaamulka Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham, AMA 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)