May 3, 2021

Isniinta, Maajo 3, 2021

Xarunta Codbixinta Degdegga ah waxay ka furmeysaa Gresham Doorashada Degmada Gaarka ah ee bisha Maajo 18, 2021

Xiriirrada: Tim Scott ama Eric Sample, 503-988-8683

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham waxay u furantahay Maajo 3 - 18 Doorashada Degmada Gaarka ah ee bisha Maajo 18, 2021

Laga bilaabo maanta, Maajo 3 Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee ku taala gudaha Dhismaha Bariga Degmada Multnomah ee 800 NE 8th Street ee Gresham waxay u furan tahay Doorashada Degmada Gaarka ah ee bisha Maajo 18, 2021. Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah ee Koonfubari Portland waxa ay usii furnaan doontaa shacabka. Labada gooboodba waxay raacaan dhamaan talooyinka amaanka ee ay bixisay Hay'ada Kahortagga iyo Xakamaynta Cudurka (Centers for Disease Control and Prevention, CDC) oo ay ku jiraan in la faro soo booqdayaasha inay xidhaan waji gashadka oo ay raacaan tilmaamaha kala fogaanshaha. Adeegyada cod bixiyaha badankood waxaa sidoo kale lagu buuxin karaa onlayn ahaan. Wixii su'aalo ah, fadlan wac 503-988-8683.

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee ku taal magaalada hoose Gresham, waxaad ka cusbooneysiin kartaa macluumaadkaaga diiwaangelinta cod bixiyaha. Waxa aad sidoo kale heli kartaa warqada codaynta cusub si aad u badalato mid luntay ama waxyeelawday. Codeeyayaasha qaba naafonimada waxay heli karaan kaalmo. Codeeyayaasha ku hadla luuqad aan Ingiriisi ahayn waxay kaalmo ku heli karaan luuqada ay doorbidaan. Shaqaalaha doorashooyinka ayaa sidoo kale diyaar u ah su'aalaha ama wixii kale ee taageero ah ee la xiriira doorashooyinka.

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham waxay furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha saacadda 8 a.m. to 5 p.m. Labada goobood ee Gresham iyo SE Portland waxay furmi doonaan Sabtida, Maajo 15 laga bilaabo 10 a.m. - 2 p.m sidoo kale. Waraaqaha codaynta waxaa kaliya lagu aqbalayaa Xarunta Codbixinta Degdegga ah saacada ay furan tahay. Goobta ugu dhaw ee ah Goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah 24-saacadood waxa ay ku taalaa baarkinka Maktabadda Gresham ee 385 NW Miller Avenue.

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay siisaa turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo u baahan caawinta codeynta ee luqad aan Ingiriisiga ahayn. Macluumaadka codaynta iyo doorashooyinka dheeraad ah oo ku qoran sagaal luuqadood ayaa onlayn ahaan looga heli karaa www.mcelections.org.

Qorshayso Inaad CODAYSO! Doorashada Degmada Gaarka ah ee bisha Maajo 18, 2021

  • Isdiiwaangeli si aad u CODEYSO.
  • Furo adeegga Lasoco Warqadaada Codaynta!
  • Hel, CODEE, oo soo celi warqadaada codaynta.
  • Doorashooyinka dawlada hoose waa muhiim. Hubi codkaaga in la tiriyay!

Furo adeegga Lasoco Warqadaada Codaynta.

Adeegeena caanka ah ee Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa hadda lagu heli karaa luuqado badan! Waxaad dooran kartaa inaad ku heshid fariimaha lasocoshada warqada codbixinta iyo wararka Ingiriisi, isbaanish, Fiitnaamiis, ama Shiineys. Hel astaanta "Waan Codeeyay" ee onleenka ah ka dib markaad celiso warqadaada codaynta. Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan inay booqdaan multnomah.ballottrax.net. Boqolkiiba soddon codbixiyeyaasha diiwaangashan ayaa horeyba loogu diiwaangaliyay adeeggan weyn!

Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashad ee Maajo 18

  • Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham Ayaa Furmaysa - Maajo 3, 2021
  • Dhamaan codeeyayaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta. Bisha Maajo 6, 2021
  • Maalinta u dambeysa inaad si ammaan ah ugu soo celinayso warqadda cod-bixintaada boostada - waa Maajo 11, 2021
  • Maalinta Doorashooyinka - Kaadhadhka codbixinta waxa u danbaysa 8 da fiidnimo ee bisha Maajo 18, 2021
  • Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah - Juun 7, 2021

Xafiiska Guud:

Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 SE Morrison Street, Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Maajo 3 - 18, 2021

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 NE 8th Street, Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-8683

Iimeyl: elections@multco.us

Websayt: www.mcelections.org