Kheyraadka Codeynt iyo Doorashooyinka Luuqadda Somali-ga / Somali Language Voting and Elections Resources

Macluumaadka Ay Tahay In Laga Ogaado Codaynta iyo Doorashooyinka

Doorashooyinka Degmadda Multnomah 

Yaa is-diiwaangelin kara si uu uga codeeyo Oregon?

Waad is-diiwaangelin kartaa si aad u codayso haddii aad ku nooshahay (deggen tahay) Oregon, aad tahay muwaadin Maraykan ah, oo aadna tahay ugu yaraan 16 jir. Waxaad ku heli doontaa warqaddaada codbixinta ee ugu horreysa boostada marka aad tahay ugu yaraan 18 jir.

Waad is-diiwaangelin kartaa si aad u codayso haddii aad ku leedahay dembi culus diiwaankaaga oo aadna dhammaysatay xukunkaaga. Waxaad sidoo kale awoodaa inaad isu-diiwaangeliso si aad u codeyso haddii aad la kulmeyso guri la'aan ama amni la'aanta guryeeynta.  Waad isu-diiwaangelin kartaa si aad u codeyso haddii aadan haysan boosto joogto/abid ah ama cinwaan degenaansho abid ah. Wac Doorashooyinka Degmada Multnomah wixii su'aalo ah ee ku saabsan u-qalmitaankaaga inaad isu-diiwaangeliso si aad u codayso.

Sideen isu diiwaangeliyaa si aan u codeeyo?

  • Is diwaangeli si aad u codayso si onlayn ah  shabakada Xoghayaha Gobolka Oregonoregonvotes.gov/register. Waa inaad haysataa shatiga darawalnimada ee Oregon ama kaadhka aqoonsiga si aad onlayn iskaga diiwaangeliso.
  • Isdiiwaangeli si aad u codayso adigoo buuxinaya warqada Kaadhka Diiwaangelinta Cod-bixiyaha ee Oregon. Waxaad ka heli kartaa warqadda kaadhka ah xafiiska Doorashooyinka Degmada Multnomah, maktabadaada dadweynaha, Xafiiska Waaxda Baabuurta ee Oregon (Oregon Department of Motor Vehicles, DMV), ama xafiiska boostada.
  • Haddii aad booqato DMV ee Oregon oo aad hesho shati cusub ama beddelka shatiga darawalnimada, oggolaanshaha wadista, ama kaadhka aqoonsiga waxa laguu diiwaan gelin karaa inaad codayso adigoon wax kale samayneynin (Qaabka Diiwaangelinta Otomaatiga ah ee Cod-bixiyaha Oregon). Waxaa laga yaabaa in laguu diiwaangeliyo si atomaatig ah laakiin ma dhaci doonto isla markiiba.

Wac Doorashooyinka Degmada Multnomah wixii su'aalo ah ama caawimaad si aad isu-diiwaangeliso si aad u codeyso.

Sidee ayay u shaqaysaa ku codaynta boostadu?

Dhammaan doorashooyinka Oregon waxaa qabta xafiiska doorashooyinka gobolka. Xafiiska doorashada degmada ayaa si toos ah warqadaha codbixinta u dira codbixiyayaasha. Codbixiyayaashu waxay dhamaystiraan warqadaha codbixintooda, ka dibna ku celiyaan xafiiska doorashada degmada si boosto ah ama goobta dhigida codbixinta ee rasmiga ah. Waxaad ku codayn kartaa adigoo isticmaalaya boostada Oregon lix tillaabo oo fudud:

  1. Isdiiwaangeli si aad ugu codayso hab onlayn ah, warqad ah, ama isdiiwaangelin otomaatiga ah. Waxaad boostada ku heli doontaa kaadhka Ogeysiinta Codbixiyaha. Kaadhku wuxuu xaqiijinayaa inaad isu-diiwaangelisay inaad codayso. Waxaad sidoo kale wici kartaa ama booqan kartaa Doorashooyinka Degmada Multnomah si aad u ogaato.
  2. Afar asbuuc ka hor doorashada waxaad boostada ku heli doontaa Buug-yaraha Codbixiyayaasha.  Buug-yaraha Cod-bixiyayaasha waa buug yar oo uu sameeyay Xoghayaha Gobolka Oregon iyo Doorashooyinka Degmada Multnomah.  Buug-yaraha Cod-bixiyayaasha waxa uu hayaa macluumaad ku saabsan musharrixiinta iyo soo jeedinta isbeddellada sharciyada. Kuwani waxay noqon karaan musharixiinta ama sharciyada maxalliga ah (magaalada, gobolka, iyo degmada), heer gobol ama heer qaran (dal). Buug-yaraha Cod-bixiyayaasha waxa laga heli karaa onlayn adigoo galaya oregonvotes.gov.
  3. Laba asbuuc ka hor doorashada waxaad ku heli doontaa boostada warqadda codbixinta. Haddii aadan helin warqadda codbixinta, wac Doorashooyinka Degmada Multnomah si aad u hesho warqadda codbixinta oo cusub.
  4. Ku codee adigoo buuxinaya warqadda codbixinta Waxaad codsan kartaa in lagaa caawiyo calaamadaynta warqaddaada codeynta ama fahamka sida codbixintu u shaqeyso. Markaad go'aansato sida loo codeeyo, isticmaal qalin buluug ama madow si aad u calaamadiso ikhtiyaaradaada. Waxa kale oo aad kaga tagi kartaa wax isagoo banaan. Waxaad ku qori kartaa musharax tartan kasta. Haddii aad qalad samayso ama aad lumiso warqadda codbixinta, wac Doorashooyinka Degmada Multnomah si aad u hesho warqadda codbixinta oo cusub.
  5. Ku rid warqaddaada codbixinta baqshadda dib u celinta codbixinta ee boostada horay loo bixiyo lehna sajalka macluumadka loo diraha. Waa inaad saxiixdaa baqshadda soo celinta codbixintasi codkaaga loo tiriyo. Haddii aadan awoodin inaad saxiixdo baqshaddaada soo celinta codbixinta itaal la'aan awgeed, wac Doorashooyinka Degmada Multnomah si aad caawimo u hesho.
  6. Soo celi warqadaada cod-bixinta.  Waxaad ku diri kartaa warqadaada cod bixinta adoo isticmaalaya baqshadda warqadda cod bixinta ee boostada lacagteeda horay loo bixiyay lehna sajalka macluumadka loo diraha (looma baahna shaabad) ama waxaad ku ridi kartaa warqaddaada Goobta Dhigida Codbixinta ee Rasmiga ah. Waxaa jiraan Goobaha Dhigida Codbixinta ee Rasmiga ah oo 24-saac ah dhamaan degmada oo dhan, oo ay ku jiraan goob kasta oo Maktabada Degmada Multnomah ah. Waxaad ku soo celin kartaa warqadaada codbixinta si boosto ah ama goobta dhigida codbixinta ee rasmiga ah. Haddii aad ku soo celiso warqadda codbixinta boostada waa in lagu calaamadeeyaa maalinta doorashada ama ka hor. Warqadaha lagu soo celiyo goobta rasmiga ah ee cod bixinta lagu rido waa in la soo celiyaa 8:00 fiidnimo ee maalinta doorashada.

Ma ku heli karaa caawimada codbixinta luuqadda aan doorbido?

Haa. Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay bixiyaan turjubaan, bilaash ah, qof kasta oo u baahan gargaar tilaabo kasta oo codbixineed ah, oo ay ku jiraan:

  • Isdiiwaangelinta si aad u codayso
  • Calaamadaynta ama akhrinta warqadda codbixinta
  • Cusbooneysiinta ciwaankaga, magacaga, xisbiga siyaasada, ama macluumaadka kale ee codbixiyaha
  • Fahamka xeerarka doorashada iyo tillaabooyinka cod bixinta
  • Wixii caawimo kale ah ee doorashada la xiriira.

Caawimadani had iyo jeer waa lacag la'aan. Wixii caawimo ah wac, iimayl u dir, ama booqo xafiiska doorashooyinka. Turjumaada telefoonka ayaa lagu heli karaa luuqad kasta waxaana jira shaqaale doorasho oo laba luuqadle ah (Isbaanish). Waxaad sidoo kale wici kartaa Xoghayaha Gobolka Oregon, Qaybta Doorashooyinka si aad u codsato turjumaan.

Ma heli karaa caawimada codbixinta haddii aan naafonimo qabo?

Haa. Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay siisaa caawimada la xariirto cod-bixinta iyo doorashooyinka cod-bixiyayaasha naafada ah.  Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay kugu caawin karaan gurigaaga ama xafiiska doorashada. Caawimadani had iyo jeer waa lacag la'aan ah. Wac, iimayl u dir, ama booqo Doorashooyinka Degmada Multnomah si aad caawimo uga hesho tilaabo kasta oo codbixineed oo ay ku jiraan:

  • Isdiiwaangelinta si aad u codayso
  • Calaamadaynta ama akhrinta warqadda codbixinta
  • Cusbooneysiinta ciwaankaga, magacaga, xisbiga siyaasada, ama macluumaadka kale ee codbixiyaha
  • Fahamka xeerarka doorashada iyo tillaabooyinka cod bixinta
  • Wixii caawimo kale ah oo doorashada la xiriira.

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay rabaan inaad awood u yeelatid inaad si fudud u codayso, si gaar ah iyo si madax-banaan, aad fahanto tillaabooyinka cod bixinta, fahanto sharciyada doorashooyinka, oo aadna ogaato cidda aad caawimo waydiisanayso. Xaalada codbixiye kasta way ka duwan tahay. Fadlan la xiriir Doorashooyinka Degmada Multnomah si aad caawimo u hesho.

Cinwaanka Doorashooyinka Degmada Multnomah:

1040 SE Morrison Street, Portland OR 97214

Taleefonka: 503-988-8683 Iimayl: elections@multco.us

Websaytka: MultnomahVotes.gov

Yaan waydiinayaa markaan su'aalo badan qabo?

La xidhiidh Doorashooyinka Degmada Multnomah:

Saacadaha: Isniin - Jimco 8:00 Subaxnimo - 5:00 Galabnimo. Wac saacadaha dheeraadka ah ee uu furan yahay markii loo dhawaado doorashada.

Cinwaanka: 1040 SE Morrison Street, Portland, OR 97214

Taleefanka: 503-988-8683 | Fakis: 503-988-3719 | Gudbinta TTY: 1-800-735-2900

Iimayl: elections@multco.us

La xidhiidh Xoghayaha Gobolka Oregon, Qaybta Doorashooyinka:

Taleefanka: 1-866-673-8683 | Fakis: 503-373-7414 | Gudbinta TTY: 1-800-735-2900

Iimayl: elections.sos@state.or.us

More Resources in Somali

Kaarka Isku Diiwaan Delinta Cod Bixinta Oregon (PDF) - Oregon Voter Registration Card - Somali

Audio: Codkaaga Hala Maqlo​ Register to Vote - Somali - How can you register to vote? And where can you get help if you don't read or understand English? Multnomah County's Suad Mohamed explains.