September 26, 2023

Macluumaadka xiriirka: Tim Scott iyo Edward Gutiérrez, 503-988-8683 (VOTE); Jessica Morkert-Shibley, 971-563-3735

Doorashada Gaarka ah ee Nofeembar 7, 2023 ayaa soo dhawaatay.

Ku dhawaad 3,000 codbixiye oo ku nool degmooyin gaar ah ayaa heli doona waraaqaha codbixinta ee Doorashada Gaarka ee Nofeembar 7, 2023. Si aad xog badan uga ogaato cabirada ku qoran waraaqda codbixinta, booqo webseedka Doorashada Gaarka ah ee Nofeembar 2023 ee Ismaamulka Multnomah.

**Fadlan ogoow in sabab la xiriirta tirada codbixiyaasha ka qaybgalaaya doorashada soo socota oo kooban, waxaa yaraan doona war saxaafadeedyada la qabto inta lagu jiro mareegta doorashada.

codbixiye oo ku nool degmooyin gaar ah ayaa heli doona waraaqaha codbixinta ee Doorashada Gaarka ee

Doorashada xigta ee Degmada Multnomah waa Doorashada Gaarka ah ee Nofeembar 7, 2023. Doorashadaan waxaa ku jira keliya sadex tartan codbixin: hal waxaa leh City of Maywood Park, kan kalana waa Waaxda Dab damiska ee Riverdale halka kan kalena loo galaayo Degmo Dugsiyeedka Scappoose. Keliya ku dhawaad 3,000 oo codbixiye oo ku nool degmooyinkaan ayaa heli doona waraaqaha codbixinta ee doorashadaan. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo: multnomahvotes.gov.

Waa muhiim in la xaqiijiyo in diiwaan gelintaada codbixiyuhu ay saxan tahay ayna shaqeynayso. Xasuusnoow inaad cusboonaysiiso isdiiwaan gelintaada wakhti kasta oo aad guurto, badasho magaca, ama aad doonayso inaad badasho xisbiga aad taageereyso. 

Waqtiga loo cayimay diiwaan gelinta codbixiyaha, codbixiyaasha doorashadaan, waa Salaasada, Oktoobar 17, 2023. Isdiiwaan geli si aad ugu coeyso oonlaynka barta oregonvotes.gov/register. Codbixiyaashu waxay ka eegi karaan ama wax uga badeli karaan diiwaan gelintooda barta oonlaynka oo ah: oregonvotes.gov/myvote. Codbixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah oo ku yaala 1040 S.E. Morrison St., Portland, inta lagu jiro saacadaha shaqada.

Doorashada Nofeembar 7, 2023 waxaa keliya galaaya codbixiyaasha diiwaan gashan ee Degmo Dugsiyeedka Scappoose, Waaxda Dab Damiska Miyiga Riverdale iyo City of Maywood Park. Xarunta Codbixinta Degdeg ah ayaa loo furi doonin doorashadaan. Xarunta Codbixinta Degdega ah ayaa u furnaan doonta Abriil 29, 2024 ilaa Maayo 21, 2024 Doorashada Hordhaca. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, wac 503-988-8683 (VOTE).

Ha ilaawin inaad iska diiwaan geliso Adeegeena La Soco Waraaqdaada Codbixinta! Markaad tahay codbixiyaha Degmada Multnomah, waxaad iska diiwaan gelin kartaa inuu inaad hesho fariimo fariin qoraal ah, taleefan ama iimeel. Baro marka waraaqdaada codbixinta boostada laguugu soo diro iyo sidoo kale marka la aqbalo si loo diro kadib marka aad codeyso aadna soo celiso.

Si aad u hesho liiska adeegyada, booqo: multco.us/elections/i-want.

Waraaqaha codbixinta ayaa la bilaabi doonaa in boostada loogu diro codbixiyaasha Arbacada, Oktoobar 18. Waraaqaha codbixinta waa in boostada lagu hagaajiyaa Salaasada, Nofeembar 7, 2023 ama la keenaa Xarunta Codbixinta Rasmiga ah ugu danbayn 8 habeenimo Maalinta Doorashada, Talaadada, Nofeembar 7.

Taariikhaha Muhiimka ah:

  • Jimcada, Sebteembar 22: Waraaqaha codbixinta Ciidamaha/dibada ayaa boostada lagu diraa
  • Isniinta, Oktoobar 9: Waraaqaha codbixinta codbixiyaasha gobalka ka maqan ayaa boostada lagu diraa
  • Talaadada, Oktoobar 17: Wakhtiga kama danbaysta ah ee diwaangalinta codbixyaha
  • Arbacada, Oktoobar 18: Waraaqaha codbixinta ayaa loogu diri doonaa boosta cod-bixiyeyaasha
  • Talaadada, Nofeembar 7: Maalinta Doorashada
  • Isniinta, Diseembar 4: Natiijooyinka kama danbaysta ah ee doorashada ayaa la xaqiijin doonaa

Helitaanka iyo caawimaada luuqada ee codbixiyaasha

Codbixiyaashu waxay ka codsan karaan caawimaad ku aadan codbixinta saaxiib, xubin qoys ama qaraabo ay ku kalsoon yihiin. Waxay sidoo kale la xiriiri karaa Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah si ay u codsadaan caawimaad la xiriirta codbixinta iyo doorashada. Coodka Caawimaada Doorashada ee Waaxda doorashooyinka ayaa diyaar u ah inay ka taageeraan codbixiyasha ayagoo jooga midkood gurigooda, xarunta ay dagan yihiin, ama xarunta adeegyada doorashooyinka ee koonfur-bari Portland. Caawimaadaan ayaa markasta lagu baxshaa si bilaash ah. Sharciyan, loo shaqeeyaasha ama wakiillada midawga ayaan loo ogolayn inay sameeyaan caawimaada codbixiyaha.

Codbixiyaasha ayaa sidoo kale heli doona dookh ay ku codsadaan caawimaad codeyn oo lagu siiyo luuqadooda hooyo. Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ayaa leh koox shaqaale luuqado badan ku hadla oo ku caawin kara. Waxaa intaas dheer, Waaxda Doorashooyinka ayaa bixisa adeegyada turjumaanka oo bilaash lagu siiyo shaqsiyaadka u baahan in lagu caawiyo luuqado aan ahayn Ingiriis inta lagu jiro codbixinta ama hawlaha doorashooyinka. Tan waxaa ku jira adeegyada turjumaada taleefanka ama muuqaalka ah ee lagu heli karo luuqad kasta, ayna ku jirto Luuqada Naafada ee Mareykanka (American Sign Language, ASL).

Soo gudbinta Musharaxnimada ayaa furan Maajo 21, 2024 Doorashada Xisbiyada

Soo gudbinta Codsiyada musharaxiinta iyo Xubnaha Gudiga Aaga ee Doorashada Xisbiyada ee Maajo 21, 2024 ayaa hadda furan laga bilaabo Sebteembar 14, 2023. Waqtiga loo cayimay shaqooyinkaan ayaa ku eeg Maarso 12, 2024.

Xilalka loo tartamaayo codbixinta Maajo 21, waxaa ku jira:

  • Degmada Multnomah - Gudoomiyaha Degmooyinka 1, 3, iyo 4
  • Metro - Xubin Golaha deegaanka ee Degooyinka 3, 5 iyo 6

Waqtiga loo cayimay soo gudbinta codsiga tartanka waa Maarso 21, 2024. Tartanka Gaarka ah ee Degmada ama Ismaamulka waa in lasoo gudbiyaa ogeysiiska xilka loo tartamaayo ugu danbayn Maarso 1, 2024.

Lixda xil ee lagasoo doorto Magaallada Portland ayaan ka soo muuqan doonin codbixinta Maajo. Wixii xog dheeri ah booqo: Xafiiska Doorashooyinka ee Magaallada Portland.