August 16, 2022

Salaasada, Agoosto 16, 2022

Khayraadka xogta ee Xadiyada Tabarucaadaha Ol-olaha iyo shardiga Shaacinta ee Degmada Multnomah ayaa laga heli karaa MultnomahVotes.gov

Macluumaadkaan waxaa lagu akhrin karaa Ingiriisi, Isbaanish, Jayniis, Fiitnaamiis, af-Ruush, afka Yukrayn, iyo Soomaali.

Dadka Lala soo xiriiraayo: Tim Scott ama Eric Sample, 503-988-VOTE (8683)

 

Khayaadka Barnaamijka Ol-olaha Degmada Multnomah ayaa laga heli karaa oonleenka barta MultnomahVotes.gov. Musharixiinta la filaayo iyo kuwa hadda taagan ee Degmada Multnomah, gudiyada musharaxa, tabarucayaasha hadda iyo kuwa mustaqbalka ee musharixiintaas, iyo sidoo kale codbixiyaasha iyo dadwaynaha guud ayaa booqan kara bogga Dhaqaalaha Ol-olaha ee webseedka Waaxda Doorashooyinka si ay u helaan xog dheeraad ah.

 

Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah ayaa faafisay muuqaal cusub Xeerarka Dhaqaalaha Ol-olaha Degmada Multnomah kaasoo ah xog kooban iyo sharaxaad ku aadan xadiyada tabarucaadaha iyo shuruudaha shaacinta ee musharixiinta degmada Multnomah, ayna ku jiraan Madaxa guud, Gudoomiyaha, Laanta Booliiska, iyo Hanti-dhawraha. Doorashooyinka degmada Multnomah ayaa la qorshaynayaan inay noqdaan kuwo ka cadald badan, ka hufan, oo ka isla xisaabtan badan sidii hore waxaana suurageliyay Barnaamijka Dhaqaalaha Ol-olaha ee Degmada Multnomah.

 

Ilaa markii ay ansixiyeen codbixiyaashu sanadkii 2016, barnaamijka ayaa saamaynaaya dhammaan musharixiinta Degmada Multnomah iyo ol-olahooda, Waxaa jira xadiyada deeqda ee ay bixin karaan deeq bixiyaashu iyo shuruudaha shaacinta xogta ee gudiyada siyaasada, shaqsiyaadka, ururada, iyo qolyaha sameeya dakhliga madaxa banaan. Muuqaalka ayaa laga heli karaa webseedka Doorashooyinka ee Degmada Multnomah iyo baraha bulshada asagoo ku baxaaya af Ingiriis iyo Qoraal saaran af Ingiriisiga, Isbaanishka, Fiyeednaamiis, Af Ruush, Jayniis (kan Fudud), af Yukrayn, iyo af-Soomaali. 

 

Waxaad ka helaysaa xog dheeraad ah oo ay ku jiraan Xeerarka iyo Sharciyada Degmada Multnomah, faahfaahin ku aadan hanaanka fulinta cabashada, iyo su'aalaha badanaa la iswaydiiyo barta MultnomahVotes.gov .

 

Xafiiska Guud:

Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building

1040 SE Morrison Street, Portland OR 97214

 

Goobta Gresham:

Waxay furan tahay laga bilaabo Oktoobar 17 marka la gaaro Doorashada Guud ee Nufeembar 8 

Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 NE 8th Street, Gresham OR 97030

 

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Webseedka: MultnomahVotes.gov