Degmooyinka Gaarka ah: Degmooyinka Dugsiyada, Biyaha, dabka iyo Degmooyinka Dhawrista Ciidda iyo Biyaha (Soil & Water Conservation District, SWCD) iyo Degmooyinka adeegyada Dadweynaha (People’s Utility District, PUD)

Kuleejyada Bulshada | Dugsiyada | Degmooyinka Adeegyada Waxbarashada | Degmooyinka Biyaha | Degmooyinka Dabka | Degmooyinka Dhawrista Ciidda iyo Biyaha | Degmooyinka adeegyada Dadweynaha


Degmooyinka Kuleejyada Bulshada

Kuleejyada Bulshada, oo mararka qaarna loogu yeero kuliyadaha yaryar, waa dugsiyo laba sanno la dhigto oo bixiyaan waxbarashada dusiga sare kadib. Oregon gudaheeda, Kuleej Bulsho walbo wuxuu leeyahay Guddi Kuleej oo la doortay kuwaas oo u dejiyaan kuleejka siyaasadaha. Guddiga wuxuu kormeerayaa horumarka barmaamijyada iyo adeegyada, ansixinta siyaasadaha iyo miisaaniyadda, si loo fuliyo baahiyaha degmada kuleejka. Xubnaha guddiga waxay xilka haynayaan muddo afar sano ah. Haddii uu boos guddiga ka soo banaanaado, waxaa laga yaabaa in la qabto doorasho si loo dhamaystiro muddada 2-da sannadood ee aan dhamaanin.

Oregon Community College Association

Mt. Hood Community College

503-491-6422

www.mhcc.edu/

Portland Community College

503-244-6111

www.pcc.edu


Degmooyinka Dugsiyada

Degmooyinka dugsiyada waxaa lagu qiimeeyaa mamulka dugsiyada dadweynaha. Sida caadiga ah, degmooyinka dugsiyada waxaa kamid ah dusiga hoose, dhexe, iyo sare waxaana maamula Guddiga Degmada Dugsiga. Guddiga degmooyinka dugsiyada ee Oregon waxay ka kooban yihiin toddoba xubnood oo guddiga ah oo ay doorteen degma misa deegaan kasta. Qaar kamid ah guddiga waa in ay deganaadaan misa lagu soo doortay deegaan ahaan kuwa kalena waxaa doortaan si guud codbixiyaasha Degmada Dugsiga. Xubnaha guddiyada waxay xilka haynayaan muddo 4 sanadood ah. Haddii uu boos guddiga ka soo banaanaado, waxaa laga yaabaa in la qabto doorasho si loo dhamaystiro muddada 2-da sannadood ee dhamaanin.

Oregon School Boards Association

Degmada Dugsiga ee Centennial

503-760-7990

http://csd28j.org/

Degmada Dugsiga ee Corbett

503-695-3612

www.corbett.k12.or.us/

Degmada Dugsiga ee David Douglas

503-252-2900

www.ddouglas.k12.or.us/

Degmada Dugsiga ee Gresham-Barlow

503-618-2450

district.gresham.k12.or.us/

Degmada Dugsiga ee Parkrose

503-408-2100

www.parkrose.k12.or.us/

Degmada Dugsiga ee Portland

503-916-3741

https://www.pps.net/

Degmada Dugsiga ee Reynolds

503-661-7200

www.reynolds.k12.or.us/

Degmada Dugsiga ee Riverdale

503-636-8611

www.riverdale.k12.or.us/


Degmooyinka Adeegyada Waxbarashada

Degmada Adeegyada Waxbarashada Multnomah waa iskaashi waxbarasho taas oo siisa barnaamijyo iyo adeegyo ballaaran oo kala duwan oo ku salaysan qaab deegaameed degmooyinka dugsiyada ee degmada Multnomah iyo wax ka badan. Degmada Adeegga Waxbarashada (Education Service District, ESD) waa hay'adda waxbarashada gobolka. ESD waxay ka shaqeeyaan si u siin lahaayeen degmooyinka dugsiga barnaamijyo iyo adeegyo waxbarasho ballaaran oo kala duwan, kuwaas oo badan kooda saaid qaali u ah, misa baahidooda ay aad ugu yar tahay meelaha qaar. Guddiga la doortay wuxuu maamulayaa ESD yada Multnomah. Shan xubnood waxaa laga doortaa deegaanka (meesha ay iyaga ku nool yihiin), labana waxaa laga soo doortaa guud ahaan gobolka. Waxay xilka haynayaan muddo afar sanadood ah. Haddii uu boos guddiga ka soo banaanaado, waxaa laga yaabaa in la qabto doorasho si loo dhamaystiro muddada 2-da sannadood ee dhamaanin.

Ururka Degmooyinka Adeegyada Waxbarashada ee Oregon

Degmooyinka Adeegyada Waxbarashada ee Multnomah

503-257-1515

https://www.multnomahesd.org/


Degmooyinka Biyaha

Degmada Biyaha waa degmo bixisa adeegyada biyaha gobolka sida ku qoran Cutubka 264 ee Xeerka Dib loo Eegay ee Oregon. Degmada biyaha waxay siisaa biyo cabitaan ah dadka degan degmada. Guddi walba oo ka dhisan degmada biyaha wuxuu ka kooban yahay shan kamid ah komiishannada guddiga kuwaas oo ay doorteen codbixiyaasha degmada waxayna xilka haaynayaan muddo afar sanadood ah. Haddii uu boos guddiga ka soo banaanaado, waxaa laga yaabaa in la qabto doorasho si loo dhamaystiro muddada 2-da sannadood ee dhamaanin. Guddiga wuxuu ka masuul yahay horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada iyo miisaaniyada.

Special District Association of Oregon

Degmada Biyaha ee Alto Park

503-228-8448

Degmada Biyaha ee Burlington

503-621-9788

Degmada Biyaha ee Corbett

503-695-2284

Degmada Biyaha ee Lusted

503-663-3059

Degmada Biyaha ee Pleasant Home

503-663-1091

Degmada Biyaha ee Valley View

503-297-2128


Degmooyinka Dabka

Degmooyinka Kahortagga Dabka Miyiga waa degmooyin bixiya adeegyada kahortagga dabka sida ku xusan Cutubka 478 ee Xeerka Dib u Eegista Lagu Sameeyay ee Oregon. Degmooyinka Kahortagga Dabka Miyiga waxay siiyaan dadka deegaanka adeegyada xakamaynta dabka iyo caafimaadka degdegga ah. Degma walba oo katirsan Degmooyinka Kahortagga Dabka Miyiga waxay ka kooban tahay guddi shan xubnood ah kuwaas oo ay doortaan codbixiyaasha degmada muddo afar sanadood ah. Hadii uu boos guddiga ka soo banaanaado, waxaa laga yaabaa in la qabto doorasho si loo dhamaystiro muddada 2-da sannadood ee dhamaanin. Guddiga wuxuu ka masuul yahay horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada iyo miisaaniyada.

Special District Association of Oregon

Degmada Kahortagga Dabka Miyiga #10

503-666-6704

Degmada Kahortagga Dabka Miyiga #11JT

503-636-0759

Degmada Kahortagga Dabka Miyiga #14

503-695-2272

Degmada Kahortagga Dabka Miyiga 30JT

503-621-1242


Degmooyinka Dhawrista Ciida iyo Biyaha

​​​​​ Barnaamijka Degmooyinka Dhawrista Ciida iyo Biyaha (Soil and Water Conservation District, SWCD) wuxuu siiyaa 45 ta degmo oo kamid ah Degmooyinka Dhawrista Ciida iyo Biyaha kuwaas oo ku yaalaan Oregon daafeheeda. Adeegyada waxaa kamid ah taageera farsamadeed iyo kormeerka maamulka oo saaid u yar, si loo yareeya deynta iyo khatarta ay ku keeni karto SWCD iyo Waaxda Dhaqashada Beeraha iyo Xoolaha Oregon.

Agaasimaha Doorashooyinka SWCD

(Lifaaqa waa banaanka)

Degmada Dhawrista Ciida iyo Biyaha ee West Multnomah

503-238-4775

wmswcd.org

Degmada Dhawrista Ciida iyo Biyaha ee East Multnomah

503-222-SOIL

emswcd.org


Degmooyinka Adeegyada Dadweynaha

Degmooyinka u adeega Dadweynaha (PUD) waxay bixisaa adeegyada lagu taageero dadweynaha waxayna ka bixisaa meel gaar ah, waxaana iska leh oo maamula dadka ay u adeegaan. Degma walba PUD ah waxaa maamula Guddi Agaasimiyaal ah, kuwaas oo ay doortaan codbixiyaasha ku jira xuduudaha siyaasadeed ee PUD. Guddiga wuxuu ka masuul yahay inuu dejiyo qiimaha iyo samaynta siyaasadaha, ayadoo xoogga la saarayo ujeedada lagu siinayo faaidada ugu badan macaamiisha.

Special District Association of Oregon

Degmada Adeega Biyaha Dadweynaha ee Rockwood

503-665-4179

www.rwpud.org/

Degmada Adeega Biyaha Dadweynaha ee Interlachen

503-667-5115